La xiriir. allpuntland@gmail.com   ama Webmaster@allpuntland.com

 (Farsamo ku raali galisa iyo Balan Adag)

ISKU DAWEE JARMALKA

HAMOOGAAN >> HAWL AQOON IYO HAGAR LA'AAN LOO QABTAY LAGUMA HUNGOOBO

Riix sawirka dushiisa 

 si uu kuugu waynaado

 
 

Dalka Jarmalka oo dawayntiisa la amaanay sannad walba waxaa is dawayn u taga Soomaali badan oo ka timaada dacalada aduunka, in badan aad bay u amaanaan hanaanka dawaynta Jarmalka, wayna ka heleen oo caafimaad baa ALLE kasoo siiyay.

 

Dad badni waxay ka cawdaan fahamka (is afgarashada; Luuqada) takhaatiirta ajnabiga ah, deegaanka iyo inaad toos u hesho takhtarkii ku haboonaa (takhasuska u lahaa) cudurka qofku iska dawaynayo.

 

Dr. Abdullahi Shire Osman waa  takhtar Soomaliyeed oo takhasus sare leh,  xarun caafimaad oo weyna ku leh wadanka Jarmalka, magaalada Recklinghusen, (Dussledorf), ka sakoow hawl maalmeedkiisa caadiga ah ee xaruuntiisa oo u adeegta dadka magaalada Recklinghusen, haddana waxa uu caawiyaa dadka Somaalida ah ee dalka Jarmalka u taga isdawaynta.

 

Dr. Cabdullaahi wuxuu aqoon fog u lee yahay takhaatiirta ugu tayo wanaagsan ee Jarmalka, wuxuu ka caawiyaa Soomaalida xagga is afgarshada takhaatiirta ajnabiga ah.iyo inay dhokhso u helaan takhtarkii ku haboonaa ee xanuunkaaga dawayntiisa takhasuska u lahaa, maadaaba uu yahay takhtarku nin mudo dheer ku noolaa Jarmalka wuxuu ka caawiyaa bukaanada isdawaynta ugu taga Jarmalka deegaan qiimo jaban, nadiifna ah iyo waliba goobaha cuntada xalaasha ah laga helo.

 

Haddii aad tahay bukaan higsaanaya inuu isku daweeyo Jarmalka xusuusnoow inay tahay fursad kuu wanaagsan inaad la xiriirto takhtarka Soomaaliyeed ka hor inta aadanba u soo safrin Jarmalka si laguugu sii diyaariyo balamaha takhtarka, aadna usii ogaato waxa aad u baahan tahay..

 

 

Kala xiriir Dr. Abdullahi Osman

Tel:

00 49 2361 71710

Fax:

00 49 2361 374 011

Address:

Praxis DR. OSMAN
HOLZSTR: 1
Recklinghausen

GERMANY

Email:

dr.abdullahiosman@t-online.de

FAAHFAAHIN KALE Eeg Website-ka Takhtarka Riix halkaan ama cinwaankiisa
http://www.draosman.com 

Go Back to AllPuntland.com