Radio laascaanood
Mudan Airlines   
Aayaha.com
Aflax
Agabso.com
Allsomali
Altaqwaa
Barbaarin
BBC Soomaali
Burtinle
Buulay
Gedonet.com
Dayniile
Feerfeer
Godey News
Goldogob
Harlan
Hiiraan
HornAfrik Online
Horseednet
Radio Daljir
Radio Garowe
Radio Midnimo
Radio Laascaanood
Ramaas Software
RadioSSC
Masjid Shaafici
Marka Caday
Mudug Online
Ogadennews
Puntland Online
SomaliCity
Somalilandnet
Somalinet
somaliaonline
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somfreemedia
Wayaha.com
Widhwidh
 
 

www.barbaarin.com

 

Boosaaso:Kulamo Socday mudo ah labo Cisho ah oo maanta lugu Soo Gabagabeeyey ayagoo laga Soo saaray Qodobo ku Aadan Xoojinta maamul Gobaleedka Puntland.

Talaado,11.April.2006

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)- Kulamo Mudo 2 Cisho ah Uga soconayay Magaalada Boosaaso oo ah Xarunta Gobalka bari ayaa maanta La soo Gabagabeeyey Waxaana laga soo saaray Warsaxaafadeeda ku aadan Adkaynta Amaanka Maamul Gobaleedka Puntland. Kulankan oo ahaa dood qeybteedii hore ahaa islamrkaana maalintii shalay la qabtay ayaa waxaa ka qeyb galay Culumaa’udiin,Nabadoono,Aqoonyahano,& qeybaha Bulshada qaarkood waxaana laysku afgartay In Gacan Adag lugu qabto Xaalada Amaan ee maamul Gobaleedka Puntland oo hada say tahay laga Sii Badiyo...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Xalay ayaa waxaa ka dhacay magaalada galkacyo isu soobixii ugu balaaraa.

Talaado, 11, April, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Xuska dhalashadii Nabiga SCW oo maalmahaan siwayn uga socday Magaalada Galkacyo  ayaa xalay waxaa lagu soo gaba gabeeyay garoonka Kubada cagta ee Galkaio Studiom, xafladaan oo ahayd mid siwayn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay dad kumanaan gaaraya oo isugu jiray culimaa'udiin,Maamulka,Ururada dhalinyarada,iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay goobta Daawo Sawiada Munaasabada

Garowe:Kulankii ka socday PDRC Ee Magaalada Garowe ayaa Soo Gabagaboobay Jawi Wanaagsan.

11,April,06

Garowe(Radio Gaalkacyo)-Xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaa Kulan Soconayay Mudo Laba Maalmood ah loogana hadlayay Kulankaasi oo lugu Baranayay Baahida Bulshada Soomaalida ayaa waxaa ka qabqaadanayay Wakiilo kala Socda Ururada Bulshada Puntland,Garsoorayaasha Iyo Waliba Saxaafada Maamul Gobaleedka Puntland ka hawlgasha...Warkii Oo Dhan

Garoowe:Xarunta Cilmi Baarista Puntland ee PDRC Waxaa ka furmay Kulan looga hadlaya Baahida Soomaalida.

Talaado,11,April.06

Garoowe (Radio Gaalkacyo)- Xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaa ka dhacay kulan ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada, ururada fidinta adeeg, gar yaqaannada, nabadda , cilmi baarista , iskaashatooyinka saxaafadda, iyo hay'adaha kalen , kaasoo lagu eegayay daraasadda baahida Soomaalida, barnaamijkaasi oo marka lasoo gaabiyo lagu magacaabo (JNA)...Warkii Odhan

Baqdaad: 9 Askari Oo Mareykan Ah Oo lagu Dilay Wadanka Ciraaq

04, April, 2006

Baqdaad (Radio Gaalkacyo)- Saraakiisha ciidamada Maraykanka ee ku sugan wadanka Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee u danbeeyey dalkaasi looga dilay 9 Askari...Warkii Oo Dhan

Boosaaso: Cadde Muuse Oo Booqasho Ku Maraya Deegaanadii Ay Tsunamigu Ku Dhufatay Hal Sano Ka Ah

04, April, 2006

Boosaaso (Radio Gaalkacyo)- Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland mudane: Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ioyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u ambobaxay safar ay ku tagayaan deegaanadii ay sanaddii 2004-ta ku dhufatay Masiibadii Tsunamiga... Warkii Oo Dhan

Geedi: "Ahmiyadda koowaad Waxaan Siinaynaa dib U Dhiska Ciidamada Dalka"

04, April, 2006

Adis (Radio Gaalkacyo)- Raysul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in ay xukuumadiisu qorsheynayso sidii ay dar-dargelin lahayd dib u dhiska ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliyeed...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: 13 Isbaaro Oo Maanta Lagu Wado In Laga Qaado Gobolka Baay

04, april, 2006

Baydhabo (Radio Gaalakcyo)- Maant ayaa lagu wadaa in mar kale laga billaabo gudaha Magaalada Baydhabo howlo isbaaro qaadid ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday degmadaas iyo hareeraheeda, waxaana lagu wadaa in maanta lagu qaado isbaarooyinka yaalla waddada baydhabo ka soo aadda dhanka Muqdisho...WarkiiOo Dhan

Guutadda Maath oo Sheegatay Riditaanka Diyaarada Laga Soo Riday Ciidamda mareykanka

02, April, 06

Baqdaad (Radio Gaalkacyo)- Kooxaha ka soo horjeeda dawlada dalka Ciraaq ayaa sheegtay mas'uuliyada riditaanka diyaarad ciidamada wadanka Mareykanku leeyihiin oo shalay lagu soo riday deegaanka yuusufiyah ee waqooyiga magaalada Baqdaad... Warkii oo Dhan

Shacabka Thailan Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

02, April, 06

Thailand (Radio Gaalkacyo)- Dadka wadanka thailand ayaa u dareeray gooabaha codbixinta doorashada isbadalada siyaasadeed ee wadankaasi thailand, bilo ka dib markii ay taageerayaasha mucaaradku dibax aan rabshado wadan ku mareen jidadka waaweyn ee magaalooyinka...Warkii oo Dhan

London: Dawlada Britain Oo Dhaqaale Ugu Deeqday Abaaraha Soomaaliya

02, april, 06

London (Radio Gaalkacyo)- Shacabka Soomaaliyeed ee abaarta ba'an ku haysato dalka Soomaaliya ayaa mar kale helaya lacag gar gaar oo gaaraysa £5 Maylan oo lacagta Ingiriiska ah...Warkii Oo Dhan

Kismaayo: Rasaas Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Gudaha Kismaayo

02, April, 06

Kismaayo(Radio Gaalkacyo)-Hal qof ayaa geeriyooday 2 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii bartamaha magaalada Kismaayo ay ka dhacday is rasaasayn dhex martay guddi loo xilsaaray nabad galyada magalaada Kismaayo iyo koox dablay ah...Warkii Oo Dhan

Baarlamaanka KMG Ah Ee Soomaaliya Oo Kulankoodii Caadiga Ahaa Maanta dib Uga Bilaabey Baydhabo

02, April, 2006

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)- Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka dhacay kulankii caadiga ahaa ee baarlamaanka Soomaaliya , oo ay kasoo qayb galeen xildhibaanno tiradoodu gaaraysay 190 xildhibaan... Warkii Oo Dhan

Garoowe: Magaalada Garoowe Oo Bandow lagu Soo Rogey

02, April, 2006

Garoowe (Radio Gaalkayo)- Maamul goboleedka Puntland isimada, Waxgaradka iyo ganacsatada ku dhaqan xarunta magaalada Garoowe ayaa kulan ay maanta ay yeesheen waxa ay uga doodeen sidii wax looga qaban lahaa amaanka magaalada Garoowe, iyadoo la go'aamiyay bandow lagu soo rogo magaaladaasi xiliyada habeenkii... Warkii Oo Dhan

Garoowe: Sharci Cusub Oo Lagu Xanaanaynayo Xoolaha Puntland Oo Laga Soo saaray Garoowe

29, March, 2006

Garoowe (Radio Gaalkacyo)- wasaarada xanaadaha xoolaha, beeraha iyo deegaanka Puntland iyo waliba mashruuca adeega caafimaadka xoolaha Soomaaliyeed ayaa magaalada Garoowe ee Puntland si wada jir ah uga soo saaray wacyi geliye ku aadan barbaamijka xanaadaha Xoolahaa Puntland. Warkii Oo Dhan

Bosaaso:Kulan loog hadlayay Amaanka Puntland oo Maanta Ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Bari AXmed Cabdi Xaabsadana Ka sheegay in ay Dadweynaha Puntland ay ka midaysan Yihin amaanku soo dabaalida Madiqada Puntland.

Sabti,25,March,06

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)- Magaalada Boosaaso waxaa maanta kulan ku yeeshay guddiga nabadgalyada dawlad goboleedka Puntland , waxaana looga hadlay sidii si wada jir ah lo xasilin lahaa ammaanka dawlad goboleedka Puntland...Warkii OO dhan

Muqdisho: Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho oo sheegayana inay guulo ka soo hoyiyeen dagaalkii maanta iyo is bahaysiga kasoo horjeeda oo arintaasi diiddan .

Sabti,25,March,06

Muqdisho(Radio Gaalkacyo)-Dagaalkii ka soconayay magaalada Muqdisho oo xaaladdiisu sii aadkaatay , walina ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotel Ramadaan ee magaalada Muqdisho Maxamuud Cumar Caddaan oo kamid garabka Maxaakiimta Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho...Warkii OO dhan

Nairobi:Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo gaarey magaalada Nairobi

Sabti, 25.March.06

Nairobi(Radio Gaalkacyo)- Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa gaarey magaalada Nairobi ee xarunta waddanka
Kenya, si uu safarro Yurub iyo Afrika ay uu uga sii galo halkaas....Warkii OO dhan

Jowhar:Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe oo ay maanta ka baxeen dhamaman hay'adihii Shisheeyaha.

Sabti,March,25,06

Jowhar (Radilo Gaalkacyo) - Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee soo gaaraya Radio Gaalkacyo ayaa sheegaya in dhammaan hay’adihii gargaarka ee halkaas ku sugnaa ay ka baxeen...Warkii Oo dhan

Muqdisho:Dagalkii Maalinta Afraad ka soconayey Xamar oo Sii Xoogaystay Xaafado Hor lehna Ku Fiday.

Sabti,March,25,06

Muqdisho(Radio Gaalkacyo)-Warar naga soo gaaraya magaalada Muqdisho Gaar ahaan xaafadaha Dagaalku ka socdo ayaa waxa shaaca ka qaadayaan in Dagaalka Maalinta Afraad kasocda Magaalada Muqdisho uu imika Ku fiday Xaafada hor leh oo aan Ahayn kuwii Markii Hore Dagaalku Ka fidin...Warkii Oo Dhan

Waajid: Madaxwayne C/laahi Yuusuf oo maanta booqday xeryaha magaalada Waajid ee ay ku xeraysan yihiin ciidanka xoogga dalka ee ka yimid Jowhar.

Jimce,24,March,06

Waajid(Radio Gaalkacyo)- Madaxwayanaha DFKGS Md: C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi ka tirsan dawladdiisa ayaa maanta gaaray magaalada Waajid ee gobolka Bakool oo 90km waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo...Warkii OO dhan

Muqdisho:Wararku saabsan Dagaalka Muqdisho ka socda Iyo Baaqyo ay soo saareen Masuuliyiin ka Tirsan DFKMGS.

Jimce,24,March,06

Muqdisho(Radio Gaalkacyo)-Xildhibaano Iyo Wasiiro ka wada Tirsan DFKMGS Ayaa waxa ay maanta Baaqyo Soo saareen Dagaalada Ka Socda Duleedka Magaalada Muqdisho...Warkii OO Dhan

Nairobi: Ergayga Qaramada midoobay ee Soomaaliya oo ku baaqay in dagaallada ka soconaya Muqdisho la joojiyo.

jimce,24,March,06

Nairobi(Radio Gaalkacyo)- Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya Francios Lonseny Fall ayaa ku baaqay in dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho ay colaadda joojiyaan , wada hadalna kusoo dabbaalaan xiisadda ka taagan dhexdooda.Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Shariif Xasan oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo.

Khamiis,23,March,06

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka tirsan baarlamaanka DFKGS ayaa maanta kasoo dagay gagida diyaaradaha magaalada Baydhabo...Warkii OO dhan

Hargaysa: Agaasimayaasha Idaacadaha Puntland oo ka carooday arin ay samaysay wasaaradda warfaafinta Somaliland oo shir ka soconayay Hargaysa ka saartay Maamulka Radio Laascaanoo kadib markii ay sheegeen inay hoostagaan Puntland.

Khamiis,23,March,06

Hargaysa(Radio Gaalkacyo)- Dhammaan agaasimeyaasha idaacadaha ka jira dalka Soomaaliya ayaa isugu tagay magaalada Hargaysa Ee Xarunta Maamulka la magacbaxay Soomaaliland, si ay uga qayb galaan kulan lagu qiimaynayo tabobaro ay bixinaysay sanadkii ugu danbeeyay BBCdu..warkii OO dhan

Breaking News:Muqdisho: Wararku Saabsan Dagaalada Muqdisho ka socda Iyo midawga Maxkamadaha oo Beeniyey Eedaynkaga Timid ISbaheysiga LaDagaallanka Argagixisada.

Khamiis, 23,March. 06

Muqdisho( Radio Gaalkacyo)- Dagaal qaraar ayaa mar kale saakay ka bilowday duleedka W/magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasi uu ku siqay deegaanka Waxar-cadde, halkaasi oo rasaas cul culus la isla dhacayo...Warkii Oo dhan

Baydhabo:Shariif Xasan Sheekh aadan oo laga sugayo Baydhabo Iyo Amaanka Magaalada Baydhabo oo la Xoojinayo.

Arbaco,22.March.2006

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)-Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta Galinka Hore laga sugaayaa Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay ahna Xarunta Dawlada Faderaalka ah Ee Jumuhuuriyada Soomaaliya ee uu ka socdo Fadhiga BS oo u bilowday 26 Bishii Hore ee Febaraayo Ee Sanadkan...warkii Oo dhan

Muqdisho:Dagaal Saaka Ka dhex kharxay Ganacsade Cadaani Iyo Ganacsade Shiiraar oo imika ka socda Xaafada Galgalato Ee W/qooyiga Magaalada Muqdisho ee Gobalka Banaadir.

 Arbaco,22,March,06

Muqdisho(Radio Gaalkacyo)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho Caasuamda Wadanka soomaaliya ayaa sheegaya in deegaanka Galgalato ee waqooyiga Muqdisho uu ka bilowday dagaal kharaar oo u dhexeeya laba ganacsade oo hal beel kasoo wada jeeda ..Warkii  Oo dhan

Baydhabo: Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo dib ugu soo laabtay Baydhabo,asagoo ballan qaadyo kasoo helay IGAD.

Talaado,21,March,06

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)-Madaxwaynaha DFKGS Md: C/laahi Yuusuf Axmed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan dawladda ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo...Warkii Oo dhan

Boosaaso:Maamulka Puntland oo Jawaab ka Bixiyay Hadalo Been abuur ahaa oo ay qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ka been sheegeen xasiloonida Puntland.

Talaado,21,March,06

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)-Shir Jaraa’id oo Maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Bari oo ay qabteen Masuuliyiinta Sar sare ee Maamulka Puntland islamarkaasna uu Goob joog ka ahaa Madaxweynha Puntland ayaa Jawaab cad looga bixiyay warar ay qoreen Saxaafada Soomalida Qaarkood oo sheegayay in Dagaal dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Maleeshiyo Beeleed uu ka dhacay Meel wax yar U jirta Magaalada Boosaaso...Warkii OO dhan

Muqdisho: Col: Cabdi Waal oo Yuusuf Indhocadde Ku eedeeyay inuu Marka ku tabobarayo kooxo argagixiso ah.

Talaado,21,March,06

Muqdisho(Radio Gaalkacyo)- Cabdi Nuure Siyaad oo lagu naynaaso Cabdi Waal kana mid ah ragga hubaysan ee Muqdisho , kana tirsan isbahaysiga la dagaallanka argagixisada ayaa Yuusuf Indhocadde ku eedeeyay inuu tabobarayo kooxo argagixiso ah..warkii Oo Dhan

Nairobi:Madaxweynaha Dalka Ugandha Yoweri Musaveni oo dhaliilay xubnaha DFS ee diidey ciidamada

Talaado,21.March.2006

Nairobi(Radio Gaalkacyo)- Madaxweynaha Waddanka Uganda Yuweri Museveni ayaa si kulul u dhaliilay madaxda dawladda federaalka Soomaaliya ee ka soo hor jeensatey in Soomaaliya loo soo diro ciidamo shisheeye...Warkii oo Dhan

Bosaaso:Gudigii uu Amaanka u Xilsaartay Cade muuse oo shir jaraa’id ku qabtay Bossaso,Maxa ayse kaga Hadleen.

Talaado,21.March.2006

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)-Shirkan jaraa’id oo ay qabteen gudiga nabad galyada dowlad goboleed-ka Puntland ayaa waxa uu ku saabsanaa laba arrimood oo
kala ah:..warkii OO Dhan

Kismaayo:Wafuud Wakala SocotoWadamada Baxreen Iyo Kuweyd SooGaaray Kismaanyo Bid Unoqday,

Talaado,21.March.06

Kismaayo(Radio Gaalkacyo)-Wararka Naga Soogaaraya magaalada Kismaayo ee Magaalamadax gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo waramyaa in maalinimadii shalaytoole aheyd ay garoonka diyaaraha
ee Caalamiga magaalada Kismaayo ka soo degeen wafdi ka socda hay’ado samafal oo laga leeyahay dalalka Kuwait iyo Baxrayn...warki oodhan

Nairobi:Madaxweyne Yuusuf Iyo Raysal wasaare Geedi si kala Gadisan uga soo wada duulay magaalada Nairobi kuna soo jeeda Baydhabo.

Talaado.21.March.06

Nairobi(Radio Gaalkacyo)-Madaxweynaha Dawlada Fedaraalka ah Ee Jumuuriyada Soomaaliya ayaa wuxuu goor dhow ka kicitimay Magaalada Nairobi Ee Caasumada Wadanka Kenya oo uu Madaxweynuhu kaga qabgalay Shirku yeesheen Wadamada ku Bahoobay Urur Gobaleedka IGAD oo Maanta Halkaasi lugu soo Gabagabeeyey Magaalada Nairobi...Warkii OO dhan

Boosaaso:Madaxweynaha Dawlada Gobaleedka Soomaaliyeed Ee Puntland oo maanta Gaaray Magaalada Bosaaso Kagana Socdaali doona Yemen Iyo Jabuti

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa ka amba baxay magaalada Garoowe asagoo gaaray xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso...Warkii Oo dhan

Nairobi: Kulankii madaxwaynayaasha urur goboleedka IGAD oo Nairobi si toos ah uga soconaya.

Nairobi(Radio Gaalkacyo)- Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waa maanta duhurnimadii ka furmay kulan ay isugu yimaadeen inta badan madaxda urur goboleedka IGAD...Warki Oo Dhan

Jawhar:Hogaamiye Kooxeedka ka taliya Gobalka Shabeelada Dhexe Max'ed Dheere Iyo Ciidamo la socda oo ka amababaxay Jowhar.

Axad.19.March.06

Jowhar(Radio galkacyo)-Wararka Naga soo gaaraya magaalada Jawhar Ee Xarunta Gobalka shabeelada Dhexe ayaa waxay sheegayaan in ciidamo iyo gaadiid dagaal oo uu wato Hogaamiye kooxeedka Max'ed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere) ay saacado ka hor ka ambabaxeen magaalada Jawhar...Warki OO dhan

Nairobi: Madaxwaynaha Soomaaliya C/lahi Yusif oo si diiran loogu soo dhaweeyay Kenya.

Nairobi(Radio Gaalkacyo)- Madaxawynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan dawladda oo saaka ka duulay garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa ka dagay gagida dayuuradaha ee Jomo Kenyata ee dalka Kenya...Warki Oo dhan

Garoowe: Madaxwaynaha Puntland oo soo bandhigay Magacyada Guddiyo uu horay u magacaabay , shir jaraa'idna ku faah faahiyay waxqabadkooda.

Garoowe(Radio Galkacyo)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Cadde ayaa maanta xafiiskiisa kasoo saaray dikreeto uu ku soo bandhigayo magacyada guddiyo uu horay u magacaabay oo kala ahaa guddiyada Kormeerka ciidamada, Guddiga sixitaanka qaab dhismeedka dawladda , guddiga maaliyadda iyo lacagta, Guddiga garsoorka iyo xafiiska xiriirinta guddiyad,...Warkii OO Dhan

Kismaayo: Guddoomiyaha degmada Kismaayo iyo labadiisii kuxigeen oo xabsiga loo taxaabay ayadoo laga cabsi qabo in xilkaba laga qaado iyo faah faahin kusaabsan tacshiiraddii lagu dhintay ee ka dhacday Kismaayo

Kismaayo(Radio Galkacyo)- Magaalada Kismaayo wararka aannu ka helayno ayaa sheegaya in maanta tacshiirad ay ka dhacday dhismaha maamulka degmada ee Kismaayo , halkaasi oo ay ku dhinteen 3 qof , hal qof oo kalana uu ku dhaawacmay...Wakii Oo Dhan

Nairbo:Wasiirka Amuuraha Dibada Ee wadanka kenya Oo beesha caalamka ku dhaliilay Wax ka qabad la'aan Xaalada Wadanka soomaaliya.

Sabti.18.march.06

Nairbo(Radio Gaalkacyo)-Wasiirka Arimaha dibadda ee wadanka Kenya ayaa beesha caalamka ku dhaliilay wax ka qabad la'aanta xaalada uu dalka Soomaaliya haatan ku sugan. ..Warkii OoDhan

Muqdisho:Xubnihii Ku hawlanaa Nabadaynta midowga maxkamadaha islaamiga ah adag Iyo la Dagaallanka Argagixisada Muqdisho.

Sabti.18.march.06

Muqdisho(Radio Gaalkacyo)-Iyadoo 18-kii bishii hore ay kooxo ka kala tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysi isla maalintaas lagu dhawaaqay oo la magac baxay la dagaalanka argagaxisada caalamiga ah iyo soo celinta nabadda ay dagaallo aad u culus ku dhex mareen magaalada Muqdisho Ee Banaadir ayaa xubnihii ku howlanaa dhexdhexaadintooda waxay maanta ay ku dhameynayaan khilaafaad u dhexeeyo weli oo haray ay ku yeelanayaan Muqdisho...warkii Oo Dhan

Nairbo:Fallo Oo shaaca ka qaday in QM ay wado qorshe ku aadan Tababarka Ciidamada Militer_iga Wadanka soomaaliya.

Sabti.18.march.06

Nairbo(Radio Gaalkacyo)Ergayga Qaramada u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in QM ay qorsheynayso in ay taba-baro u furto saraakiisha ciidama Booliska iyo Militer-iga si loo soo cesho hanaankii nimaadkii kala danbeynta Dalka Soomaaliya..Warkii oo dhan

Maxkamada Caalamiga ah Ee Danbiyada Dagaalka Ee Heg ayaa shaaca ka qaaday in Aan wax danbi ah lugu ilaa imika Hogaamiyihii Geeriyooday Ee yuguslaafiya.

Sabti.18.march.06

Pozarevac(Radio Gaalkacyo)-Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada ayaa sheegtay in aan wali laheyn wax cadeynaya inuu madaxweynihii hore wadanka Yuguslavia uu u dhintay sumeyn. ..Warkii oo Dhan

Tehran:dalka Iiran oo laga helay 22 Qof oo meyd ah Tuulo ku taala Xuduudka uu la wadaago Afganisntan.

Sabti.18.march.06

Tehran(Radio Gaalkacyo)-Wararka ka imanaya dalka Iran ayaa ku warramaya in meydka 22 qof laga helay meel u dhaw xadka dalka Iran uu la leeyahay dalka Afganisntan ..Warkii oo dhan

Qahira:Mr:Caamir Muuse Ayaa wuxuu u tartamayaa Jagada imika uu hayo Ee ah Xoghaya Guud Ee Jaamacada Carabta.

Sabti,18.march.06

Qahira(Radio Gaalkacyo)-Wasaarada arimaha dibada ee wadanka Masar ayaa shaaca ka qaaday in Caamir Muuse, waa xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta uu u sharaxan yahay jagadda uu hadda ka hayo ururka Jaamacada Carabta. ..Warkii Oo Dhan

Bosaso:Hal qof oo ku dhintay shil ka dhacay Wadada mgaalooyika Bossaso & Qardho

Jimce,17,03,06

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)- Shil ka dhacay buuraleyda Qayaadsame ee tuulada Alxamdu Lilaah ee u dhexaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa waxaa ku dhintay hal qof, mana jirin cid kale oo wax ku noqotay shilkan....Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Tartan ku saabsan Isku Balaarinta Muqdisho oo u Dhexeeya Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah Iyo Isbahaysiga LaDagaallanka Argagisisada.

Jimce,17,03,06

Muqdisho(Radio Gaalkacyo)- Wararka naga soo garaya magaalada Muqdisho Ee Caasumada Wadanka soomaaliya ayaa sheegaya in magaalada ay ka socoto Isku balaarin Ama tartan u Dhaxeeya Wadaada mayalka Adag Ee maxkamadaha Islaamiga ah Iyo Isbahaysiga la magacabay Ladagaallanka Argagisisada iyo Dibu u soo celinta Nabada ee ay Hogaamiyaasha Dagaalku Ee ku jira Golaha Xukuumada Somalia, kaga Dhawaaqeen Bishii Febaraayo Magaalada Muqdisho....Warkii Oodhan

Qahira: Jaamacada Carabta Oo Eedeyn U Jeedisay Dawlada Israa'iil

Arbaco, 16, March, 2006

Qahira (Radio Gaalkacyo)- Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Caamir Muusa iyo Madaxweynaha maamulka Falastiin Mudane: Maxamuud Cabaas ayaa dawlada Isra'il ku canbaareeyey waxa ay ugu yeeray fal waxuushnimo ah oo xabsi kala baxeen mas'uul reer Falastiin...Warkii Oo dhan

Asmara: Dawlada Ereteeriya Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Eedeyn Uga Xukuumada Itoobiya

Arbaco, 16, March, 2006

Asmara (Radio Gaalkacyo)- Xukuumada Casmara ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymo uga yimid xukuumada Addis-ababa oo ku eedeyaysay in ay ka danbaysay qaraxyaddii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Adis-ababa...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Guddoomiyaha Gobolka Gedo Oo Madaxda Qaranka Kala Hadlaya Abaaraha Ka Jira Gobolkiisa

Arbaco, 16, March, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane: Xuseen Sh Ismaaciil ayaa booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasoo uu kulamo kula leeyahay mas'uuliyiinta ugu sar sareeya dawlada FKMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya...Warkii Oo Dhan

Qardho: Aaska Marxuun Boqor Maxamuud Oo Ka Dhacaya Maanta Degmada Qardho

Arbaco, 16, March, 2006

 (Radio Gaalkacyo)-QardhoMadaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane: Maxamuud Muuse Xirsi Cadde iyo boqolaal wufuud ah oo hohaaminayo ka kala yimid gobolada kala duwan ee Puntland ayaa gaaray degmada Qardho ee gobolka Karkaar halkaasoo maanta lagu wado inuu ka dhaco Aaska Marxuun Boqor Maxamuud Boqor Muuse Yuusuf oo shalay ku geeriyooday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar...Warkii oo Dhan

Baydhabo: Dowlada federalka Soomaaliya Oo Shacabka Soomaaliyeed Uga Tacsiyeysay Geeridii Ku Timid Boqorkooda

Arbaco, 16, March, 2006

Baydhabo (Radio Galkacyo)- Saddexda Mas'uul ee ugu sareeya DFKMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya oo horkacayo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuun Boqor Maxamuud Boqor Muuse Yuusuf...Warkii oo Dhan

Boosaaso: Dadka ka shaqeeysta qaabka Indho sarcaadinta oo ay ciidanka Booliska Boosaaso gacanta ku dhigeen,Hadana su'aalo la weydiinayo.

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)-2 nin iyo Qof Dumar ah ayaa booliska magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Beri ay gacanta ku dhigeen kadib markii ay caddaatay inay ku shaqaystaan qaabka indho sarcaadka loo yaqaanno...Warkii Oo dhan

Boosaaso:Boqor Maxamuud Boqor Muuse Oo Maanta Ku Geeriyooday Degmada Qardho.Iyo Taariikh Nololeedkiisii

Arbaco,March,15,06

Boosaaso(Radio Galkacyo)Waxaa maanta degmada Qardho ee gobolka Kar-kaar ee Puntland ku geeriyooday boqor Maxamuud Boqor Muuse Yuusuf Boqor Cismaan...Warkii Oo Dhan

Boosaaso:Wasiirka Iyo wasiirku xigeenka Wasaarada Dekeddaha Iyo kuluumaysiga Dawlad Gobaleedka Puntland oo Balan qaaday in ay hawsha wasaaradaas si Fiican u wadidoonaa

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)-Kadib Markii uu dhowaan uu Magacaabay madaxweynaha Maamulka soomaaliyeed Ee Puntland Masuuliyiinta Wasaaradaha DGPL ayaa Madaxweynaha meelaha uu Masuuliyiinta Cusub u magacaabay waxa ka mid ahaa Wasaaradda dekeddaha iyo Kaluumaysiga...Warkii Oo Dhan

Laascaanood: Waxaa Shaaciyey Laqaaday Waqtiga Ay Dhacayso Caleema Saarka Garaadka Cusub Ee beddelaya Allaha unaxariistee Garaad Cabdi Qani Garaad Jaamac.

Arboco,March 15, 06

Laascaanood(Radio Gakacyo )-Waxaa galinkii danbe ee shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay xiliga ay dhacayso Xafladda caleema saarka garaadka cusub oo loo cimaamaday booskii uu ka geeriyooday alla ha u naxariistee garad Garaad C/qani garaad Jaamac oo ku geeriyooday dalka Jabuuti bishiiAynu soo Dhaafnay taariikhdu markay ahayd 09/02/06 isla markaana lagu Xabaalay magalada Laascaanood . ..Warkii Oo Dhan

Jabuti:Xukuumada Maraykan oo sheegtay in Wadanka Soomaaliya Ay ka bilaabayso hawlo lugula Dagaalamayo Argagisada Iyo Burcad badeedka Soomaaliya.

Arbaco.15.march.006

Jabuti (Radio Gaalkacyo)-Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Geeska afrika ayaa waxa ay sheegeen inay bilaabayaan howlgal ay ku ugaarsanayaan Fariisimada argagaxisada ay ku leedahay gudaha Wadanka Soomaaliya ...Warkii OoDhan

Washingtone: Bush "Iraan Ayaa Mas'uul Ka Ah Qaraxyada Ka Dhaca Ciraaq"

Talaado, 14, March, 2006

Washingtone (Radio Gaalkacyo): Madaxweynaha wadanka maraykanka Gorge W. Bush ayaa ku eedeeyey xukuumada Dahraan qaraxyada isa soo taraya ee ka dhaca wadanka ay dariska yihiin ee Ciraaq...Warkii oo Dhan

Bayla: Degmada Bayla Oo Yeelatay Gole Deegaan

Talaado, 14. March, 2006

Bayla (Radio Gaalkacyo): Guddi uu dhawaan magacaabay madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi inay kasoo guul garaan golaha deegaanka degmada Bayla ayaa soo dhammeeyay hawshii loo diray...Warkii Oo Dhan

Nairbo: Wasiirada Arimaha Dibada Ee IGAD Oo Maanta Ku Kulmaya Nairobi

Talaado, 14, March, 2006

Nairobi (Radio Gaalkacyo): Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya waxaa maanta ka furmaya kulanka wasiirada Arimaha Dibada ee urur goboleedka IGAD...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Degmo Cusub Oo Uu Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya

Talaado, 14, March, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo): Madaxweynaha DFKMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane: Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa markii u horaysay xafiiskiisa Baydhabo ka soo saaray Wareegto uu ku magaabo degmo Cusub oo Soomaaliyeed, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya...Warkii Oo Dhan

Kismaayo: Ganacsade kasoo jeeda beelaha aan hubaysnayn oo maalinkii todobaad geeri iyo nolol aan lagu hayn magaalada Kismaayo

Isniin, March 13, 06

Kismaayo(Radio Galkacyo)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in maalintii todobaad la la'yahay ganacsade laga yaqaano magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Yaasiin Ina Baydan....Warkii Oo Dhan

Boosaaso:Agaasimaha Guud ee Kaluumaysiga Puntland ayaa ku Wareejiyay Jamciyadda Tadaamun Buugaag Waxbarasho oo si gaar ah uga hadlaysa deegaanka.

Isniin, March 13, 06

Boosaaso(Radio Galkacyo)-Agaasimaha Guud ee Kaluumaysiga Puntland C/Waaxid Maxamed Xirsi ayaa Maanta Xafiiskiisa Munaasabad ka dhacaday ku Wareejiyay Jamciyadda Tadaamun Buugaag ka Hadlaysa Bay’adda iyo sidii loo Ilaalin lahaa...Warkii OoDhan

baydhabo: Dawlada Federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayey shalay booqasho uga bilaabatay deegaano ka tirsan gobolka Jubadda Dhexe.

Isniin,March,13,06

baydhabo(Radio Galhacyo) wasiiro xildhibaano  labada gole ee DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay ka tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ee uu ka socdo kulanka kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Baarlamaanka Soomaaliya, uu markii u horaysay ku yeelanaya wadanka gudihiisa...Warkii OoDhan

Baqdaad:Shan qof ayaa dhimatay tiro kale-na waa ay dhaawacantay ka dib markii qarax weyn uu gil-gilay koonfurta magaalada Baqdaad ee xarunta wadanka Ciraaq.

Isniin,March,13,06

Baqdaad(radio Galkacyoaaa)Qaraxan oo lagu soo rakibay gaari ayaa ku qarxay meel ay dadka aad ugu badan, isla markaasna khasaarooyin kale gaystay... WArkii OoDhan

Garowe:Caato oo magaalada Garowe Kulamo ku la leh madaxda Dawlad Gobaleedka puntland.

Isniin 13.03.2006

Garoowe(Radio Gaalkacyo)-Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta dawladda federaalka Soomaaliya, Cismaan Xasan Cali Caato oo ku sugnaa magaaladaGaroowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland...Warkii OoDhan

Boosaas:Golaha Deegaanka Ee magaalada Bosaaso oo sheegay in muhiimada Koowaad ay siinayaan Amaanka Magaalada.

Isniin 13.03.2006

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)-Duqa degmada Boosaaso Khadar Xaaji oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Boosaaso ayaa sheegay qorshayaasha dawladda hoose ee Boosaaso loo qaybiyay laba ajande oo waawayn , kuwaaso kala ah Ammaanka iyo bannaynta waddooyinka...Warkii OoDhan

Baydhabo: Xubno ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka DFKMGS oo caro ka muujiyay Fasaxa Todobaadka ah ee uu soo jeediyay Shariif Xasan.

Isniin 13.03.2006

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta baarlamaanka Soomaaliya oo isu soo diyaariyay ka qayb galka kulanka baarlamaanka u sheegay nay mar kale fasax yihiin oo ay ka kala dareeraan hoolka baarlamaanka...Warkii OoDhan

Garoowe: Nin magaalada Garoowe bartameheeda ku dilay nin uu adeer u ahaa.

Axad,March,12,06

Garoowe(Radio Galkacyo)- Wararka goor dhow naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay maanta in lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan Ilaaq oo kamid ahaa wadaada degmada...Warkii Oodhan

Xaafuun:Markii Uga horeysa Markab sida qalab dhismey oo ku soo xidhay degmada Xaafuun Ee Gobalka Karkaa.

Axad,12.March.2006

Xaafuun (Radio Gaalkacyo)- Markab Nooca Xamuulka qaada oo waday in ka badan 20,000 oo kiish oo sibidh ah Iyo Qalab kale oo Ah Qalab Dhisme ...Warkii Oodhan

Waxaan dhagaystayaal idinka raali galinaynaa inaad baryahaan weydeen Barnaamijyadii xaga maqalka ahaa cilad xaga farsamada ah awgeed,waxaanse balan qaadaynaa marka ay dhamaato farsamada iminka aan ku wadno  qaybta codadka aan idin soo bahin doono barnaamijyadii maqalka ahaa.

Buulo barde:Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sabay Oo Ka Dhacay Degaano Ka Tirsan Gobalka Hiiraan

Axad,March 12, 06

Buulo barde(radio Galkacyo)-Degmadda Buulaburde Ee Gobolka Huiiraan Ayaa Dagaal Ka Dahacay Saakay Dagaalkan Ayaa Waxaa La Sheegay In Uu U Dhaxeeyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Iyo Maleeshiyo Taabacsan Nin La Sheegay In uu ka mid ahaa maa mulii hore l Looga Qaaday xilka Maamulka Degmadda Buula Burde,..Warkii OoDhan

Boosaaso: Xarunta Ganacsiga Maamul Golleedka Puntland Ee Boosaaso oo markii ugu horaysay maamullo loo sameeyay xaafadeheeda, maxay tahay sababtu. -

Axad, March 12, 2006

Boosaaso(Radio galkacyo)- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa looga dhawaaqay in markii ugu horaysay xaafadeheeda loo sameeyay guddoomiye yaal , kuxigeenno iyo xog hayayaal...Warkii OoDhan

Baydhabo:Golaha Xukuumada Fedaraalka ah oo kulankoodi maanta ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo Cali maxamed Geeddi Hadal Ka yeediyey.

Sabti,11,march,06


Baydhabo( Radio Gaalkacyo)-Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa maanta ka furmay kulan ay leeyihiin golaha wasiirada dawladda Federaalka ee kusugan magaalada Baydhabo...Warkii OoDhan

Galkacyo:kulan la filayay inuu dhex maro xubnihii ku dhex jiray labadii beelood ee dagaalku ku dhexmaray mudug iyo galguduud oo baaqday .

sabti, March 11, 06

Galkacyo(Radio Galkacyo)- ayadoo in mudo ah la soo waday heshiisiintii la dhexdhigo labadii beelood ee ku dagaalamayay gobolada Mudug iyo Galguduud inta badana ay suuro gashay in lagu guulaysto dhexdhexaadintooda ayaa maalintii shaylay waxaa baaqday kulan la filayay inuu ka dhaco deegaanka Bandiiradlay oo lagu marti galiyay xubanha beesha Cadaado ka socday ee uga qayb galilahaa kulanka ...Warkii OoDhan

Nairobi: Dawladda Kenya oo shaaca ka qaaday inaysan ka seexan doonin sidii dawladda Fadaraalka Ee Soomaaliya ay cageheeda isugu taagi lahayd.

sabti, March 11, 06

Nairobi(Radio Galkacyo)- Dawladda Kenya ayaa dalka Soomaaliya ka caawinaysa arimo badan oo ay kamid yihiin tabo baro lagu dhisayo awoodda dhismaha dawladda iyo sida qaabka baarlamaanku u hawl galayo oo tabo baro laga siinayo...Warkii OoDhan

Baydhabo:Wafuud Uu horkacayo Guddoomiyaha Shariif Xasan oo u baqoolay Deeganka Bardaale ee gobalka Bay.

jimce,10 March,06


Baydhabo ( Radio Gaalkacyo)-Shariif Xasan Sheekh Adaan Guddoomiyaha Baarlamanka Dawlada Fedaraalka ah Kumeel gaar ka ah Iyo Wafdi uu hogaaminaya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Xaabsade Ayaa U baqoolay degmada Bardaale ee gobolka Baay...warkii OoDhan

Garoowe: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowlada Goballeedka Puntland oo shaaca ka Qaaaday inuu ku dadaalayo sidii ay wasaaradda Caddaaladdu ugu guuri lahayd dhismaha Maxkamada iyo wasaaradda cusub

Jimce, March 10, 06

Garoowe (Radio galkacyo)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii looga rari lahaa Dhismaha ay maxkamadaha ka deggen yihiin Wasaaradda Caddaaladda iyo Awqaafta, Wasiirka cusub ee isla wasaaraddaasi Md. Geesood ayaa isagana sidoo kale ka codsaday in Guddoomiyuhu uu codsigiisa dib u dhigto...Warkii OoDhan

Baydhabo: Biyo la'aan daran oo ka jirta deegaanka Ufurow

Jimce10 March. 06


Baydhabo:( Radio Galkacyo) Deegaanka ka tirsan Gobalka Baay ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ka jirto xaalad biyo la'aaneed taas oo saamayn wayn ku yeelatay xaalada nolasha dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi...Warkii OODhan

Muqdisho:Xiisad colaadeen oo ka aloosan Degmada Xamarweyne oo ka siiDaraysa

Jimce, March 10, 06

Muqdisho (Radio Galkacyo) -Maalmihii Uga danbey Wararka ka imaanaya degmada xamar weyne ee Waxaa haatan kataagan degmada Xamar Weyn ee gobolka Banaadir hifaalo colaadee oo u dhexeeya maamulka Hore oo ka jira degmadaas iyo ciidammada maddaniga gobolka Banaadir, ..WArkii ODhan

Garoowe: Cadde Muuse oo soo bandhigay qaabka ay u shaqaynayaan guddiyo la magacaabay.

Kamiis,March,09,06

Garoowe(Radio Galkacyo)- Golaha wasiirada dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta yeeshay kulankii khamiisla ahaa , waxaana kulankaasi kasoo qayb galay madaxwaynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde)iyo madaxwayne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir (Afqurac)...Warkii OoDhan

Baydhabo:Dawlada ku Meel Gaarka ah Ee soomaaliya Iyo Xukuumada Kenya Oo heshiis kala Saxiixdey kuna kala Saxiixdey magaalada Baydhabo.

Khamiis 09.08.2006

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)-Wasiiro ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya iyo Xukuumada Kenya ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxay qalinka ku duugeen heshiis labada dhinac ku tilmaameen in uu ahaa mid muhiim ah...Warkii OoDhan

Tehran:Dawlada Iran Oo diiday Weyn ka muujisay Joojinta barnaamijyada ay ku baareyso Nukliyarka.

Khamis,09,03,06

Tehran:(Radio Gaalkacyo)-Sarkaal ka mid ah saraakiisha sare ee Iran ayaa sheegey in tallabo kasta oo dalkiisa laga qaado, aysan Iran joojineyn barnaamijyada ay ku baareyso Nukliyarka...Warkii OoDhan

Garoowe: Madaxweyne ku xigeenka puntland oo maanta Ka hadlay Xaflada ka dhcayday Xarunta Golaha Wakiilada Puntland.

Arbaco March 08, 2006

Garoowe(Radio Gaalkacyo)- Madaxwayne kuxigeenka dawlad goboleedka Puntland Xasan Daahir Af-Qurac ayaa maanta hadal ka jeediyay xaflad ballaaran oo ay soo agaasimeen haweenka gobolka Nugaal oo lagu xusayay maalinta haweenka adduunka ee 8da Maarso...Warkii OoDhan

Baydhabo:Kalfadhigii baarlamaanka DFKMG ee maanta Baydhabo ku yeesheen xildhibaannada oo qodobbo muhiim ah looga dooday , Mudo Sadex berina ah dib loo dhigay.

Arboco March 08, 2006

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)-Kulankii baarlamaanka ee magaalada Baydhabo ayaa mar kale maanta si caadi ah uga bilowday magaalada Baydhabo..Warkii Oo Dhan

Garoowe: Taliyaha Guud ee xabsiga Garoowe oo sheegay in haddii aan xabsiga laga rarin gudaha magaalada in ay dhici karaan falal ammaan daro. -

Arboco March 08, 2006

Garoowe(Radio Galkacyo)-Taliyaha guud ee xabsiga magaalada Garoowe ayaa shaaca ka qaaday haddii aan la qaadin tallaabo deg deg ah oo lagu rarayo xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe inay dhici karaan falal ammaan daro ah, sida maxaabiista oo lala boxo...Warkii Oo Dhan

Waxaa siweyn looga Xusae 8-da March magaalooyinka Baydhabo & Marka

Arboco,March 08, 06

Baydhabo(Radio Galkacyo) Munaasabadaha Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa waxaa si weyn looga xusayaa magaalooyinka Baydhabo iyo Marka
ee gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose.. Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Maxaa ka jiro Mooshin la doonayo in lagu rido xukuumadda Cali Maxamed Geeddi" Xildhibaan Cismaan Libaax.

Arboco,March 08, 06

Baydhabo(Radio Galkacyo) Sida aynu la soconno tan iyo markii uu shirka baarlamaanka Soomaalida uu ka furmay magaalada Baydhabo 26kii bishii ina dhaaftay waxaa si isi soo taraysa loo hadal hayay hadallo aysan markaasi jirin cid xaqiijisa oo ah in la doonayo in xukuumadda Cali Maxamed Geeddi xilka laga qaado...Warkii OoDHan

Islamabad: Bush Iyo Musharaf Oo Ka Wada Hadlayey Argagixisada Aduunka

Sabti, 04, March, 2006

Islamabad (Radio Gaalkacyo)- Madaxweynaha Wadanka maraykanka Gorge W. Bush iyo madaxweynaha wadanka Pakistan Berzef Musharaf ayaa maanta wadahadalo ku dhexmarayaan aqalka madaxtooyada ee wadanka Pakistaan...Warkii Oo Dhan

Washington D.C: Magacyada Maxaabiista Ku Xiran Guatanamo Bay Oo La Shaaciyey

Sabti, 04, March, 06

Washington D.C (Radio Gaalkacyo)- Waxaa markii ugu horaysay shabakada Internet-ka lagu shaaciyey magacyada maxaabiista ku xiran xabsiga Guatanamo Bay ee ku yaala jasiirada Cuba...Warkii Oo Dhan

New-York: Kofi Anan Oo Kulan La Leh Wakiilada Shanta Wadan Ee Leh Awooda Diidmada Qayaxan

Sabti, 04, March, 2006

New-York (Radio Gaalkacyo)- Xoghayaha guud ee QM Koffi Anan ayaa kala xaajoojanaya ergayda shanta wadan ee leh codka diidmada qayaxan barnaamijka Nucleur ee wadanka Iran, maalin ka dib markii ay burbureen wadahadaladdii ay magaalada Vienna ee wadanka Asurtari ku lahaayeen wasiirada arimaha dibada ee qaarada Yurub iyo ergayga wadanka Iran u qaabilsan wadahalada barnaamijkeeda Nucleur-ka....Warkii Oo Dhan

Sanca: Dawlada Yamen Oo Soo Gaba-gabeynaysa Diiwaab Gelinta Qaxootiga Dalkeeda Ku Sugan

Sabti, 04. March, 06

Sanca (Radio Gaalkacyo)- Dawladda Yaman ayaa shaaca ka qaadday inay soo gabo gabaynayso diiwaan galinta ka soconaysay magaalada Sanca ee dalka Yaman ee lagu diiwaan galinayay qaxootiga isugu jira Soomaalida iyo Itoobiyaanka ku soo qul qulayay dalka Yaman...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Khilaafki U Danbeeyey Ee Madaxda Qaran Oo La Soo Afjarey

Sabti, 04, March, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo raysulwasaare Cali Maxamed Geeddi ay isla meel dhigeen mugdigii ku kala dhex jiray intii ay dawladdu kala qaybsanayd....Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Dabley Hubeysab Oo Dad Ku Dhishay Deegaanka Baxdo Gaabo

Sabti, 04, March, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Wararka Radio Gaalkacyo kasoo gaaraya magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa sheegaya in galinkii danbe ee shalay laba nin lagu dilay deegaanka Baxdo Gaabo oo aan wax badan ka fogayn Gallinsoor oo maalmo ka hor heshiis lagu soo afjaray heshiis labada beelood dhex maray...Warkii Oo Dhan

Vienna: Wada Xaajoodkii Nucleur-ka Iran Iyo Midowga Yurub Oo Is Afgaran Waa Ku Dhamaaday

Jimce, 03, March, 2006

Vienna (Radio Gaalkacyo)- Midowga Yurub iyo Dawlada Iiraan ayaa ku Guul daraystay in ay isku fahmaan barnaamijka Nucleur ee looga shakisan yahay in ay haysato Iiraan...Warkii Oo Dhan

Slamapad: Bush Oo Booqasho Uga Bilaabanayso Pakistaan

JImce, 03, March, 2006

Slamapad (Radio Gaalkacyo)- Magaalada Caasumada ah ee wadanka Pakistan ayaa si weyn maanta amaanka loo adkeeyey, halkaasoo la filaayo inuu saacadaha soo socda ee maanta uu booqasho ku tago madaxweynaha wadanka Maraykanka Gorge. W. Bush...Warkii Oo Dhan

Garoowe: Kulan Looga Hadlay Ammaanka Puntland Oo Ka Dhacay Madaxtooyada

Jimce, 03, March, 2006

Garoowe (Radio Gaalkacyo)- Xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxaa saaka ka dhacay kulan looga hadlayey amaanka Caasumada Puntland ee Garoowe...Warkii Oo Dhan

Baardheere: Hay'adda WFP Oo Gargaar Ka Qaybinaysa Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo Iyo Degmada Baladxaawo

Jimce, 03, March, 2006

Baardheere (Radio Gaalkacyo)- Iyadoo abaaraha ka jira gobolka ay ka sii darayaan marba marka ka dambeysa ayaa barnaamijka cuntada aduunka ee WFP waxa uu maanta markii ugu horeysay ka bilaabay howlo cunno gargaar ah loogu qeybinayo kumanaan qoys oo ku nool deegaano ka tirsan degmada Garbahaareey iyo Buurdhuubo oo waxyeelo ba'an ay ka soo gaartay abaaraha ba'an ee iminka ka taagan gobolka Gedo....Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Saddex Ilmood Oo Ku Dhintay Biyo Galeenka Dabiiciga Ah Ee Yamayska Gaalkayco

Jimce, 03, March, 06

Gaalkacyo(Radio Gaalkacyo)- Saddex caruur ah ayaa xalay fiidnimadii laga soo saaray Biyo galeenka dabiiciga ah ee Yamayska oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...Warkii Oo Dhan

Somalia: Nolosha Caruurta Soomaaliyeed Oo Laga Dayrinayo

Jimce, 03, March, 06

Somalia(Radio Gaalkacyo)- Caruur gaaraysa 600,000 oo kun oo ku kala nool dalalka Soomaaliya , Kenya iyo Itoobiya ayaa la xaqiijinayaa in cunto yari xooggan ay soo food saartay....Warkii Oo Dhan

jawhar:Gudoomiyaha Siyaasada Ee Gobalka Shabeelada hoose "Ilama haboona in la qaado cunaqabateynta hubka".

Arbco,01,mar,06

Jawhar(Radio Gaalkacyo)-Maxamed cumar Xabeeb Hogaamiya kooxeedka ka taliya Gobalka shabeelaha Dhexe Ayaa shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada jawhar ayaa shaac ka qaaday in uusan taageersanayn in soomaaliya laga qaado ee ay Qaramada midoobay ku soo rogtay Wadanka soomaaliya Sanadkii 1991 Markii ay burburtay Dawladii Dhexe Ee dalka soomaaliya Ka talin jirtay...Warkii Oo Dhan

New York:Xoghaya Qaramada midoobay Kofi anan oo warbixin ka soo saaray Xaalada abaaraha iyo burcad badeedka Soomaaliya.

arbaco,mar,01,06

New York(Radio Gaalkacyo)Kofi anan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa bwarbixin ka soo saaray ayaa maanta magaalada new york waxa uu ka soo saaray Warbixin ku aadan Xaalada abaarahan iyoburcad badeedka Ee Dalka soomaaliya...Warkii OoShan

Afmadow:Nin u dhashay wadanka Mareykanka oo lugu Afduubay Magaalada Afmadow,maxa aysa tahay sababta loo Afduubtay.

arbaco,mar,01,06

Afmadow(RadioGaalkacyo)-Nin u dhashay wadanka Mareykanka oo u shaqeynayay hay'adda UNICEF ayaa lagu afduubtay degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose...Warkii Oodhan

Baydhabo: Dawladda Talyaaniga oo DFKGS ugu deeqay qalab isugu jira Matooro, Teendhooyin iyo guryaha guur guura.

Arbaco,01,Mar,06

Baydhabo(Radio galakcyo)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi ay gaartay diyaarad sidda mucaawino loogu talo galay in lasiiyo dawladda Soomaaliya taasoo isugu jirta matooro, teendhooyin iyo guryaha guur guuura ... Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo:Cismaan Caato oo ugu Baaqay Hogaagamiyaasha Kooxaha Muqdisho In Ay Ka Qayb Galaan Shirka Baarlamaanka Ee Baydhabo.

Arbaco,01,Mar,006

Gaalkacyo(RadioGaalkacyo)--Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo guryeeynta dawladda F.S.Cismaan Xassan Cali Caato oo hada ku sugan magaaladda gaalkacyo ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha kooxaha ee dhawaantan sheegay in ay sameeyayeen urur ka hotaga argagixisa in ay ka qayb galaan shirka baarlamaanka xukuumadda federalka soomaaliya ee ka furmay magaaladda baydhabo ee xarunta gobolka baay... Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo:Caato Oo maalint Beri ah ku sii jeeda Magaalada Cadaado Iyo Shacabka Reer cadaado oo u diyaargaroobaya Soo dhaweynta Wafdigaas.

Arbaco,01,Mar,006

Gaalkacyo(Radio Gaalkacyo)-Caato Oo maalint Beri ah ku sii jeeda Magaalada Cadaado Iyo Shacabka Reer cadaado oo u diyaargaroobaya Soo dhaweynta Wafdigaas...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: C/laahi Yuusuf oo kor meer ku sameeyay xeradii ciidamada ee Shiirkole ee magaalada Baydhabo.

Arbaco,01,Mar,006

Baydhabo(Radio galakcyo)- Madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kormeer ku tagay xeradii ciidamada ee Shiirkole ee magaalada Baydhabo...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo:Caato Oo maalint Beri ah ku sii jeeda Magaalada Cadaado Iyo Shacabka Reer cadaado oo u diyaargaroobaya Soo dhaweynta Wafdigaas.

Arbaco,01,Mar,006

Gaalkacyo(Radio Gaalkacyo)-Caato Oo maalint Beri ah ku sii jeeda Magaalada Cadaado Iyo Shacabka Reer cadaado oo u diyaargaroobaya Soo dhaweynta Wafdigaas...Warkii OoDhan

Jowhar: Hogaamiyeyaal dhowr ah ku jira Isbaysiga La dagaallanka arga gixisada oo socdaal deg deg ah ku tagay Jowhar.

Jowhar(Radio Gaalkacyo)- Qaar kamid ah wasiirada hubaysan oo ay kamid yihiin wasiirka amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Qanyare Afrax , iyo wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Ganacsade Bashiir Raage iyo xubno kale ayaa gaaray magaalada Jowhar...Warkii OoDhan

Garoowe:Golaha baarlamaanka oo maanta cod u qaaday wasiiradii harsanaa, ee sugayay in codka loo qaado , iyo madxwaynaha Puntlnad oo hadal u jeediyay baarlamaanka. -

 Feb, 28, 2006

Garoowe( (Radio Gaalkacyo))- Golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta kulankoodii mar kale isugu soo laabtay , ayagoo cod qaadid u bilaabay xubnihii golaha wasiirada ee aan la ansixin wali... Warkii OoDhan

Boosaaso: Kalluumaysiga oo ka bilowday Xaafuun markii ugu horaysay

Talaado 28 Feb 2006

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)-Shirkada kKaluumaysiga Xaafuun ee HAFCO ayaa markeedii ugu horaysay dhaq dhaqaaqeedii iyo Hawlaheedii shaqo dib u biloowday Tsunami kadib Markasoo Hakad yar ku yimi shaqadii shirkadda taasoo ay ugu wacnayd Bur bur ku yimi xafiisyadii shirkada ee ku yaalay magaalada Xaafuun... Warkii OoDhan

Baledxaawo:Hay’adda WFP oo Raashin GarGaar ka qeybineysa Deegaano ka tirsan G/Gedo iyo Degmada B/xaawo oo looga dhawaaqay Gudiga gurmadka Abaaraha.

Baledxaawo(Radio Gaalkacyo) Iyadoo abaaraha ka jira gobolka ay ka sii darayaan marba marka ka dambeysa ayaa barnaamijka cuntada aduunka ee WFP waxa uu maanta markii ugu horeysay ka bilaabay howlo cunno gargaar ah loogu qeybinayo kumanaan qoys oo ku nool deegaano ka tirsan degmada Garbahaareey iyo Buurdhuubo oo waxyeelo ba'an ay ka soo gaartay abaaraha ba'an ee iminka ka taagan gobolka Gedo...Warkii Oo Dhan

Garoowe: C/raxmaan M Faroole oo Radio Gaalkacyo uga waramay dhacdadii Axaddii ka dhacday Garoowe.

Talaado 28 Feb 2006

Garoowe(Radio Gaalkacyo) C/raxamaan Maxamed Faroole oo maalintii shalay ahay dikreeto kasoo baxday xafiiska madaxwayaha Puntland xilkii looga qaaday ayaa maanta saxaafadda uga waramay sida wax u dheceen...Warkii Oodhan

Baydhabo: Shirkii baarlamaanka Baydhabo oo muddo 7aad ah fasax galay.

Isniin Feb 27 2006

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in kulankii baarlamaanka ee maalintii shalay ahayd ka furmay baydhabo hakad la galiyay muddo hal todobaad ah...Warkii Oo Dhan

Garoowe: Faroole Oo Ku Eedeeyey Baarlamaanka Puntland In Ay Laaluush Qaateen

Axad, 26, Feb, 2006

Garoowe (Radio Gaalkacyo)- Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee Puntland Mudane: C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta ku eedeyey mudanayaasha baarlamaanka Puntland in ay laaluush ka qaateen...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Geedi Oo Ka Codsaday Ummada Soomaaliyeed In Ay Cafiyaan Xubnaha Golayaasha Dawlada

Axad, 26, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Ra'iisulwasaaraha xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Mudane: Cali Maxamed Geedi ayaa ka codsaday ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto in ay ka cafiyaan xunbaha golayaasha DKMG ah ee Soomaaliya wakhtigii dheeraa ee ay micno darida ku kala maqnaayeen...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Codsaday Baarlamaanka In Ay U Ogolaadaan Ummada Soomaaliyeed In Ay Xilal Ka Qabtaan Dawlada

Axad, 26, Feb, 2006

Baydhabo (Radaio Gaalkacyo)- Madaxweynaha DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane: Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka codsaday baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya in ay ugolaadaan ummadda Soomaaliyeed in ay xilal ka qabato dawlada...Warkii Oo Dhan

Garoowe: Baarlamaanka Puntland Oo Xasaanadii Uu Diidey Qaar Ka Mid Ah Wasiiradii Maanta La Hor Geeyey

Axad, 26, Feb, 2006

Garoowe (Radio Gaalkacyo)- Baarlamaanka dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta la hor geeyay qaar kamid ah golaha wasiirada ee dhawaan uu madxwaynaha Puntland ku sameeyay isku shaandhaynta...Warkii Oo Dhan

RG Toos Baydhabo: Madaxweyne Yuusuf oo iminka bilaabey hadalkiisii

Axad, 26 feb,2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)-Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa iminka wuxuu khudbadisii uu ugu tala galey fadhiga Baarlamanka KMG ah ee maanta ka furmey magaalada Baydhabo uu ka jeedinaya hoolka shirarka ee Xarunta ADC ee uu ka socdo fadhigii ugu horeeyey ee Baarlamanka uu ku yeesho magaalada Baydhabo...Warkii Oo Dhan

RG Toos Baydhabo: Wakiilada Midowga Yurub, Unka iyo Afrika Oo Ka Hadlay Kalfadhiga Baarlamaanka ee Baydhabo

Axad 26, Feb,2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)-Fadhiga Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya ee ka socda magaalada Baydhabo ayaa si wanaagsan oo degan uga soconaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaas oo ay khudbado muhiim ah ka jeedinayaan wafuud k kala socota beesha caalamka gaar ahaan wakiilka Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya Amb. Francios Fall waxaana uu sheegay inay soo dhaweynayaan kulanka Baarlamanka in uu ka dhaco gudaha wadanka markii ugu horeysay isagoo mideysan...Warkii Oo Dhan

RG Toos Baydhabo: Wakiilka Jaamacada Carabta oo khudbad ka jeedinaya fadhiga

Axad,26 Feb,2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)-Wakiil ka socda Jaamacada Carbta oo lagu magacaabo Saalim ayaa iminka wuxuu ka jeedinaya fadhiga Baarlamanka Khubad aad u heer saraysa oo uu ku muujinayo sida Jaamacada Carabta ay ugu faraxsan tahay in kulanka Baarlamanka Soomaaliya uu ka furmo gudaha dalka soomaaliya iyagoona maanta midaysan kan wada hadlayaan sidii horay loogu dhaqaajin lahaa dawladda federalka ee Soomaaliyeed..warkii oo dhan

RG Toos Baydhabo: Baydhabo: Kulanka Baarlamaanka KMG Ah Ee Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Baydhabo

Axad, 26, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkcyo)- Waxaa maanta duhurkii si rasmi ah uga furmay magaalada Baydhabo kulanka kalfadhiga aan caadi ahayn ee golaha baarlamaanka Soomaaliya ay markii u horaysay ku yeeshaan gudaha dalka Soomaaliya.warkii oo dhan

Baardheere: Kulan looga hadlayay Abaaraha iyo Nabadgelyada ooMaanta ka dhacay degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Axad, 26, Feb, 2006

Baardheere (Radio Gaalkacyo)- Maamulka, odayaasha iyo saraakiisha amaanka degmada luuq ee gobolka Gedo ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta maamulkaasi waxa ay kaga wada hadleen arimo ay ka mid yihiin xoojinta nabadgalyada deegaanka iyo xaaladaha abaareed, iyadoo baaq ay soo saareen kaga codsaday hay'adaha samafalka in gargaar bani'aadnimo ay la soo gaaraan dadka ku nool deegaankaasi oo ay la soo daristay dhibaato bani'aadnimo tii ugu ba'neyd....Warkii oo Dhan

Baydhabo: Geedi Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Baydhabo Gaaray

Isniin, 26, Feb, 2006

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)- Raisul wasaaraha xukuumda KMG ah ee Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka dayuuradaha ee magaalada Baydhabo....Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Madaxweynaha DFKMG Ah Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Baydhabo Gaaray

Sabti, 25, Feb, 2006

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)- Madaxwaynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Md:C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo oo uu maalinta bari ah ka furmi doono kulanka baarlamaanka Soomaaliya....Warkii Oo Dhan

Garoowe: Kulan Aan la Isku Afgaran Oo Dhexmaray Madaxweynaha Puntland Iyo Golaha Wakiilada Puntland

Sabti, 25, Feb, 2006

Garoowe (Radio Gaalkacyo )- Madaxweynaha Puntland Mudane: Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa maanta waji gabax kala kulmay kulankii uu la yeeshay golaha wakiilada Puntland, ka dib markii uu ku guuldaraystay inuu ka qanciyo golaha wakiilada sababaha ku ka lifay inuu ku sameyn waayo golihiisa wasiirada isbadalkii loo baahnaa ee laga filayey...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Xildhibaano Kor U Dhaafaya 85 Oo Maanta Ku Sii Qul-qulaya Baydhabo

Sabti, 25, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Xildhinaabo kor u 85 xildhibaan oo kala joogay gobolada kala duwan ee dalka ayaa maanta ku sii qul-qulaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Muuse Suudi Iyo Qanyare Oo Aan Ka Qayb Galayn Kulanka Baydhaba, Maxay Tahay Sababtu?

Sabti, 25, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo)- Wararka ka imaanay magaalada Muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya ayaa sheegay in wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane: Maxamed Qanyare Afrax Iyo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Soomaaliya Mudane: Muuse Suudi Yalaxow, aysan ka qayb gali doono kulanka kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee baaralamaanka Soomaaliya ee la filaayo inuu Axada ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Cutubkii Ugu Horeeyey Oo Ciidamo Gurmad Ah Oo Soo Gaaray Muqdisho

Sabti, 25, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo)- Magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya waxaa xalay soo gaaray cutubkii ugu horeeeyey oo ciidamo gurmad ah oo u yimid Midowga Maxkamada Muqdisho...Warkii Oo Dhan

Baydhabo:Afhayeenka Baarlamaanka KMG Ah Ee Soomaaliya Oo Sheegay In Uu Kulanka Baydhabo Furmayo Xilligii Loogu Talo Galay

Jimce, 24, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Afhayeenka baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Mudane: Shariif Xasan Shiikh Aaden ayaa shaaca ka qaaday in uu rajo fiican ka qabo in uu kulanka baarlamaanka Soomaaliya ka furmo Baydhabo wakhtigii loogu talo galay...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Midowga Maxkmada Muqdisho Oo Tacshiirad Ku Furay Masjid Ku Yaala Muqdisho

Jimce, 24, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo)- Midowga maxkamada Muqdisho ayaa caawa salaadii makhrib ka dib xabad ooda uuga qaaday masjid ku yaala magaalada Muqdisho, oo xilligaasi uu wacdi diini ah ka socday...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Odayaasha Beelaha Labada Dhinac Ee Muqdisho Ku Diriray Oo Xabad Joojin Kala Saxiixday

Jimce, 24, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo)- Odayaasha iyo waxgarad beelaha Hawiye oo kasoo kala jeeda labada dhinac ee dirirtu ku dhexmaray Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay kulan nabadeyn ah uga soconayey Hotel Peace ee magaalada Muqdisho ayaa caawa 8:00 PM fiidnimo markii u horaysay ku kala saxiixday halkaasi xabad joojin...Warkii Oo Dhan

Garoowe: Madaxwayne Cadde Muuse oo Markii ugu horeeyay isku shaandheeyay golaha xukuumadda

Jimce, 24, Feb, 2006

Garoowe (Radio Gaalkacyo)-Xarunta madaxtooyada dawlad goboleedka Puntland waxaa galabta ka dhacay kulan ballaaran oo lagu soo bandhigayay isku shaandhayn muddo laga sugayay madaxwaynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Cadde...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Cabdi Nuure Siyaad Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Waan Waanta Nabadeynta Garabyada Muqdisho

Jimce, 24, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo)- Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi-waal) oo ka mid sagaalka hogaamiye kooxeed ee dhawaan muqdisho uga dhawaaqay isbahaysiga la magacbaxay la dagaalanka argagixisadda iyo soo celinta nabadda ayaa shaaca ka qaaday inuusan marna la galayn wax waan waan nabadeed ah Midowga Maxkamadaha Muqdisho...Warkii Oo Dhan

Kampala: Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Dalka Yugaandha Oo Ku Tilmaamay Doorashadii Shalay Mid La Musuqmasuqay

Jimce, 24, Febraayo 2006

Kambala (Radio Gaalkacyo.com): Xisbiga Mucaaradka ee dalka Yugaandha ayaa ku eedeeyay in doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi lays daba mariyay isla markaana la musuq maasuqay doorashadaasi.taas oo ah doorashadii ugu horaysay ee ay ee baarlamaani ah taas oo ay axsaab badan ka qayb galaan muddo dhan 26 sano...Warkii Oo Dhan

New-York: Jimciyada Quruumaha Ka Dhexeysa Oo Walaac Ka Muujisay Abaarta Ka Jirta Geeska Afrika

Jimce, 24, Feb 2006

New York (Radio Gaalkacyo)- Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in adduunku uu ku suganyahay xaalad abaar oo aad u liidata inta dunida ku fiirsanayso masiibooyinka abaar oo ka jira bariga qaarada Afrika..Warkii Oo Dhan

Niger: Sawirada Maxaabiis Lagu Afduubtay Dalka Nijer Oo La Shaaciyay

JImce, 24 Feb 2006

Nijer (Radio Gaalkacyo)- Kooxaha Mucaaradka ee dalka Nijer ayaa sii daayay sawirada 7 ka mid ah shaqaale ajaaniib ah oo ka shaqaynayay saliida dalkaasi Nijer kuwaas oo todobadkan horaantiisii lagu afduubtay gobolka Ijaw ee dalkaasi Nijer...Warkii Oo Dhan

Capeton: Dhul Gariir Culus Oo Ku Dhuftay Koonfur Afrika

Jimce, 24, Feb 2006

Capeton (Radio Gaalkacyo)- Ugu yaraan labo qof oo Musambiik ah ayaa ku dhimatay 15 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dhul gariir culusi uu ku dhuftay i Koonfur Afirka...Warkii Oo Dhan

Niarobi: Ergayga Q.M U Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Oo Baaq U Diray Garabyada Ku Dagaalamaya Muqdisho

Khamiis, 23, Feb, 2006

Nairobi (Radio Gaalkacyo)- Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arimha Soomaali François Lonseny Fall ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha garabyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho in ay colaada damiyaan, xushmeeyaana amniga muwaadiniinta ku dhibaatoobay colaadahooda...Warkii Oo Dhan

Muqdisho:"Wax Xabad Joojin Ah Ma Aqbalayno Illaa Laga Noqdo Isbahaysiga Shaydaanka" Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Khamiis, 23, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo)- Midowga Maxkadamadaha muqdisho ayaa gaashaanka ku dhuftay in ay aqbalaan baaq nabadeed oo xabad joojin ah ay ay odayaasha iyo waxgaradka Hawiye ka soo saareen kulan ay shalay ku yeesheen Hotel Peace oo ku yaala Muqdisho...Warkii Oo Dhan

Jowhar: Madaxweyne Yuusuf Iyo Ra'iisulwasaare Geedi Oo Sabtida Baydhabo Tagaya

Khamiis, 23, Feb, 2006

Jowhar (Radio Gaalkacyo)- Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed, uuna ka mid yahay ra'iisulwasaarahs Soomaaliya Mudane: Cali Maxamed Geedi la filayo in ay maalinta Sabtida ah ee fooda inagu soo haysa tagaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay...Radio Gaalkacyo -Barnaamijka Bandhiga

Muqdisho: Odayaasha Iyo Waxgaradka Beesha Hawiye Oo Ku Baaqay Xabad Joojin Iyo In La Hakiyo Ciidamada Qaylo Dhaanta Loo Dirsaday

Arbaco, 22, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo)- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdsiho ayaa sheegaya in ilaa maanta uu kulan uuga socda odayaasha iyo waxgaradka beesha Hawiye Hotel Peace oo ku yaala Muqdisho. Kulankan oo ay ka qayb qaadanayaa odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ee dagaaladu ku dhexmarayaan magaalada Muqdisho ayaa ugu horayn kulankooda maanta ku baaqay in xabad joojin ay sameeyaan garabyada uu dagaalku u dhexeeyo...Radio Gaalkacyo -Barnaamijka Bandhiga

Muqdisho: Kooxo Hor Leh Oo Ku Biiraya Dagaalka Muqdisho

Arbaco, 22, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo)- Wararka ka imaanay magaalad Mudisho ee caasumada wadanka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay ku soo fool leeyihiin caawa magaaladaasi Ciidamada iyo tiknikadda Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay weheliyaan ciidamda hogaamiye diimeedka ka arimiya gobolka Shabeelada Hoose ee Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade). .Radio Gaalkacyo -Barnaamijka Bandhiga

Baydhabo: 36 Mudane Oo Ka Tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyey Baydhabo

Arbaco, 22, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Wafdi ka kooban 36 mudane oo ka tirsan golaha baarlamaanka DFKMG ah ee Soomaaliya oo maanta ka tagay Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, oo la filaayo inuu maalinta Axadda ah ee fooda inagu soo haysa si rasmi ah uga furmo kulanka kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee golaha baarlamaanka Soomaaliya. ..Radio Gaalkacyo -Barnaamijka Bandhiga

Gaalkacyo: Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga DFKMG Ah Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Cadaado Gaaray

Arbaco, 22, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Wasiirka Horurinta Reer Miyiga ee DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane: Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere) iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta duulay garoonka dayuuradaha ee magaaladan Gaalkacyo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado oo ka tirsan gobolka Galgaduud...Radio Gaalkacyo -Barnaamijka Bandhiga

Marka:"Shaydaamada Jooga Muqdisho Waa Lala Dagaalamayaa" Shiikh Yuusuf Indha-cadde

Arbaco, 22, Feb, 2006

Marka (Radio Gaalkacyo)- Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelada Hoose Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in ciidamada ka amar qaata isaga ay ka qayb qaateen dagaalada ka soconaya magaalada Mudqosho ee u dhexeeya Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ee dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho iyo midawga maxkadaha...Warkii Oo Dhan

Jowhar: "Argagixisada Waa Lala Dagaalamayaa, Balse Waa In Ay Dawladu Caddeysaa Jiritaankooda" Mowliid Macaane

Arbaco, 22, Feb, 2006

Jowhar (Radio Gaalkacyo)- Dawlada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aysan hogaamiye kooxeedyada hubaysan ee Muqdisho ku sugan ee dawlada ka tirsan ka mid noqon karin isbahaysi, isla markaasna cidna ku tilmaami karin argagixiso aysan dawladu cadeyn jiritaankooda...Warkii Oo Dhan

Gallinsoor: Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada DFKMG Ah Ee Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Gallinsoor

Tallaado, 21, Feb, 2006

Gallinsoor (Radio Gaalkacyo)- Wafdi ka socda DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta ka ambabaxay magaaladan Gaalkacyo ee xunta gobolka Mudug ayaa galabta lagu soo dhaweeyey deegaanka Gallinsoor oo ka tirsan gobolka Mudug....Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Madfac Ku Dhacay Isgoyska Al-Baraka Ee Muqdisho Oo Dad Rayid Ah  Ku Dhinteen

Talaado, 21, Feb, 2006

Muqidsho (Radio Gaalkacyo): 18 qof ayaa dhimatay tiro kalena waa ay dhaacantay ka dib markii caawa uu madfac ku dhacay isgoyska Al-baraka oo ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya...Warkii Oo Dhan

Jowhar: Ra'isul Wasaare Geedi Oo Xiriiriye U Magacaabay Barnaamijka Nabadeynta Beelaha Sacad Iyo Saleebaan

Talaado, 21, Feb, 2006

Jowhar (Radio Gaalkacyo)- Ra'isulwasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Jamhuuriyaha Soomaaliya Mudane: Cali Maxamed Geedi ayaa u magacaabay Burhaan Maxamed Nuur, xiriiriyaha Barnaamijka Nabadeynta Koonfurta Gobolka Mudug Iyo Gobolka Galgaduud...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Dagaalkii Muqdisho Oo Mar Kale Dib Uga Bilowday Goobo Hor Leh

Talaado, 21, Feb, 2006

Muqdisho(Radiogaalkacy)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalkii ka soconayay magaalada Muqdisho uu maanta ka bilowday isgoyska Xalane oo ay kutaallo maxkamadda Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho...Warkii Oo Dhan

Jowhar: Xildhibaanada Ku Sugan Jowhar Oo Lagu Wargeliyey In Ay U Diyaar Garoobaan Kulanka Baydhabo

Tallaado, 21, Feb, 2006

Jowhar (Radio Gaalkacyo)- Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta ku meel gaarka ah ee DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in lagu war geliyey xildhibaanada ku sugan magaalada Jowhar in ay u diyaar garoobaan ka qaybqalka kulanka baarlamaanka ee la qorsheynayo inuu ka dhaco Baydhabo....Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Isgaashaan Buursi Xoogan Oo Muqdisho Ka Soconaya

Talaado, 21, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo)- Waxaa soo kordhaya kooxaha ku kala biiraya isabahaysiyadda labada dhinac ee shalay dagaalku ku dhexmaray magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Hooyo Lug Iyo Gacan Ku Go'day Iyo Saddex Ilmood Oo Ay Dhashay .....

Talaado, 21,Feberaayo, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo)- Waxaa isa soo tara khasaaraha dadka rayidka ah ee reer Muqdisho uu u gaystay dagaalkii shalay dhexmaray midawga Maxkamadaha iyo hogaamiyayaasha hubaysan ee Muqdisho qaarkood...Warkii Oo Dhan

Jowhar: "Dagaalka Argagixisadda Ee Muqdisho Ka Socda Waan Ka Qayb Galaynaa" Shir Jaraa'id Maxamed Cumar Xabeeb

Isniin, 20, Feb, 2006

Jowhar (Radio Gaalkacyo) Guddoomiyaha siyaasadda ee gobolka Shabeeladda Dhexe Mudane: Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed-Dheere) ayaa caawa sheegay in ay ka qayb qaadanayaan dagaalka argagixisada ay Muqdisho  ka bilowday waa sida uu hadalka u dhigaye...Warkii Oo Dhan

Garoowe: Ku Dhawaaqidda Golaha Cusub Ee Xukuumadda Puntland Oo Dib Loo Dhigay

Isniin, 20, Feberaayo, 2006

Garoowe (Radio Gaalkacyo)- Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane: Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa maanta saxaafada ka sheegay inuu dib u dhigay ku dhawaaqidii golahiisa cusub ee xukuumada, oo awal la shaaciyey in maanta lagu dhawaaqayo...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Ciidamada Wadaada Mayalka Adag Oo Gacanta Ku Dhigay Garoonka Dayuuradaha Ee Dayniile

Isniin, 20, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo): Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee Caasumada wadanka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada wadaada mayalka adag ee la magacbaxay Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka jira magaalada Muqisho ay gacanta ku dhigeen garoonka dayuuradaha ee Dayniile...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Waxgaradka Beesha Hawiye Oo Ka Shiraya Dagaalada Ka Soo Cusboonaaday Muqdisho

Isniin, 20, Feb, 2006

Muqdisho(Radio Gaalkacyo)- Hotelka Nabadda oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inay isugu tageen , Odayaal, iyo wax garad ka socda beelaha Hawiye...Warkii Oo Dhan

Garoowe: Xukuumada Cusub Ee Puntland Oo Saacadaha Soo Socda Lagu Dhawaaqi Doono

Isniin, 20, Feb, 2006

Garoowe (Radio Gaalkacyo)- Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee Caasumada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu madaxweynaha Puntland Mudane: Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ku dhawaaqi doono isku shaandhayn uu ku sameeyey golihiisa xukuumada....Warkii Oo Dhan

Gallaadi: 21 Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Dhexmaray Ciidamda Itoobiya Iyo Beel Ka Mid Ah Beelihii Ku Dagaalamayey Yamaarugley

Isniin, 20, Feb, 2006

Gallaadi (Radio Gaalkacyo)- 21 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacantay deegaanka Yamaarugley ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada Federaalka Itoobiya iyo beel ka mid beelihii ku dagaalamayey deegaanka Yamaarugley maalmihii ina soo dhaafay...Warkii Oo Dhan

Jowhar: Wafdi Ka Socday Dawlada Itoobiya Oo Maanta Soo Gaaray Jowhar

Isniin, 20, Feb, 2006

Jowhar (Radio Gaalkacyo): Wafdi ka socda Dawlada Itoobiya ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellada Dhexe...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Dagaalkii Maxkamadaha Iyo Hogaamiye Kooxyada Oo Saaka Mar Kale Dib Uga Bilowday Muqdisho

Isniin, 20, Feb, 2006

Muqdisho (Radio Gaalkacyo): Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in uu saaka dib uga bilowday dagaal kharaar oo hubka noocyaddiisa kala duwan la isku adeegsaday...Warkii Oo dhan

Gaalkacyo: Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo Oo Ugu Baaqay Xabad Joojin Beelaha Ku Dagaalamaya Deegaanka Yamaarugley

Isniin, 20, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo ayaa ugu baaqay xabad joojin beelaha walaalaha ah ee dagaalka sokeeye ku dhexmarayo deegaanka Yamaarugley oo ku taala xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya Iyo Itoobiya...Warkii Oo Dhan

Gallaadi: Ciidamada Federaalka Itoobiya Oo Saaka Ku Waa Bariistay Deegaanka Yamaarugley

Isniin, 20, Feb, 2006

Gallaadi (Radio Gaalkacyo)- Cutubyo ka tirsan ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa saaka Waa Barigii ku waa bariistay deegaanka Yamaarugley oo afartii maalmood ee u danbeeyey dagaallo sokeeye u dhex marayeen laba beelood oo Soomaaliyeed oo halkaasi wada daga...Warkii Oo Dhan

Jowhar: Maxamed Dheere Oo Hor Istaagay Wufuud Ka soo Dagi Lahaa Iyo Kuwo Ka Duuli Lahaa Garoonka Jowhar

Isniin, 20, Feb, 2006

Jowhar (Radio Gaalkacyo)- Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed-Dheere) guddoomiyahah guddiga siyaasada ee gobolka shabeelada dhexe ayaa iska hor taagay duulimaad ay wafdiyo Bayadhabo ka socdaa ku imaan lahaayeen magaalada Jowhar....Warkii oo Dhan

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gudiyo Magacaabay

Axad, 19, Feb, 2006

 Baydhabo (Radio Gaalkacyo) Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya shariif Xasan sh Aadan ayaa maanta magaalada Baydhabo ku magacaabay gudiyo kala duwan oo dhamaantood u gogol xaaridoona shirka Baarlamaanka ee 26 bishan lagu wado in lagu qabto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Wakii OO Dhan

 

Dagaaladii Xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya oo maanta markale dib u bilowday

Axad, 19, Feb, 2006

(Radio Gaalkacyo)Dagaalo beeleedyad ka soconayay deegaanka tuulada Yamaarugley ayaa maanta mar kale dib uga bilowday halkaasi kadib markii maalmihii la soo dhaafayba dagaal ka socday halkaasi Wakii OO Dhan

 

Galdogob: 36 Qof Oo Dhaawaca Oo Gaalkacyo Loo Soo Wado Caawa

Sabti, 18, Feb, 2006

Galdogob (Radio Gaalkacyo)- Wararka ka imaanaya magaalada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay hadda la soo dhaafiyey 36 qof oo ku soo dhaawacantay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Yamaarugley oo ka tirsan kililka shanaad ee wadanka Itoobiya...Wakii OO Dhan

Gaalkacyo: Cismaan Caato Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamaya Deegaanka Yamaarugley Iyo Muqdisho

Sabti, 18, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo): Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Mudane: Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa maanta baaq nabadeyn ah u diray beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee dagaaladuku dhexmarayaa deegaanka Yamaarugley oo ka tirsan kililka shanaad ee wadanka Itoobiya, iyo dagaalada maanta ka bilowday magaalada Muqdisho...Warkii Oo Dhan

Caabudwaaq: Dagaalkii Ka socday Yamaarugley oo istagay,khasaarana gaystay.

Sabti, 18, Feb, 2006

Caabudwaaq (Radio Gaalkacyo)-Wararka ka imaanay deegaanka Yamaarugley ee kililka Shanaad ee Itoobiya ayaa sheegaya in dagaalkii halkaasi barqa nimadii maanta kabilowday inuu iminka qaboobay... Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Golaha Deegaanka Galkacyo Oo kulanKii U Horeeyey Maanta Ku Yeeshay Guriga Nabadda Ee Gaalkacy

sabti,18, Feb, 2006

Gaalkacyo(Radio Galkacyo)-Golaha deegaanka Ee Magaalada Galkacyo Ee xarunta Gobalka mudug ayaa maanta wuxuuu yeeshay kulankii ugu horeeyey tan iyo markii lagu dhawaaqyy dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo, yana doorteen guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenkiisa arbacaddii...Warkii Oo Dhan

Muqdisho: Wadada Warshadaha Oo Dagaal Culus Uu Ka Dhacay.

Sabti, 18, Feb, 2006

Muqdisho(Radio Gaalkacyo)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay dagaal halkaasi ka qarxay uu wali ka soconayo wadada dheer ee Warshadaha ee magaalada Muqdisho....Warkii Oo Dhan

Addis-baba: Midawga Yurub Oo Ku Cadaadinaya Wadanka Itoobiya In Ay Dib U Bilowdo Wada Hadalada Mucaaradka

Jimce, 17, Feb, 2006

Addis Ababa (Radio Gaalkacyo) - Guddoomiyaha guddiga horumarinta iyo gar-gaarka banii'aadanimada ee Midawga Yurub Louis Michel ayaa maanta soo gabagabeeyey booqasho laba maalmood ah oo uu ku maray wadanka Itoobiya, oo u ku doonayey in uu xisbiga talada haya ee wadanka Itoobiya dib ula bilaabo wada hadalo axsaabta mucaaradka ah ee dalkaasi, si loo adkeeyo nabada, loona horumariyo dimoqraadiyadda...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Cismaan Caato Oo Qado Sharaf Ugu Sameeyey Gurigiisa  Xildhibaanada Iyo Wasiirada Beelaha Sacad Iyo Saleebaan Ka Soo Jeeda.

Jimce, 17, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane: Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa maanta guriga uu ka dagan magaaladan Gaalkacyo qado sharaf ugu sameeyey wasiirada iyo xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Sacad iyo Saleebaan ee ka tirsan DFKMG ah ee Soomaaliya. ..Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Dallada Ururada Dhalinyaradda Gobolka Mudug Ee DudMudug Oo Ugu Baaqday Xabad Joojin Beelaha Ku Dagaalamaya Yamaarugley

Jimce, 17, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Dallada ururada dhalinyarada gobolka Mudug ay ku midaysan yihiin ee DudMudug ayaa maanta ugu baaqday beelaha ay colaadu ku dhexmarayso deegaanka Yamaarugley oo ka tirsan kililka shanaad ee Itoobiya in ay xabadda joojijayaan colaadana ku bedelaan nabad.Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Shiikh Aaden Madoobe oo Baydhabo Lagu Soo Dhaweeyey Isagoo Wata Tikniko

Jimce, 17, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Shiikh Aaden Madoobe Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda Soomaaliya oo ay weheliyaan xubno ka tirsan dawladda oo ay galin binayaan kolon gaadiidka gaashaaman ah ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay...Warkii Oo Dhan

MOGADISHU: Todobo Qof Oo Fuuq Bax Ugu Dhintay Gobolada Ay Abaauruhu Ku Dhufteen Ee Soomaaliya

Khamiis, 16, Feb, 2006

MOGADISHU (Radio Gaalkacyo)- Hay'adda gar-gaarka ee Oxfam ayaa sheegtay in ay heshay todobo qof oo oo fuuq bax ugu dhintay gobolada koonfureed ee abaaruhu sida xun ugu dhufteen...Warkii Oo Dhan

Nairobi: Abaaraha Ka Taagan Geeska Afrika Oo Sababey In Kaadi Loo Cabo

Khamiis, 16, Feb, 2006

Nairobi (Radio Gaalkacyo): 11 Milyan oo dad ah ayaa noloshoodu khatar ku jirtaa, ka dib markii 10-kii sano ee ugu danbeeyey abaarihii ugu xumaa ay ku dhufteen geeska Afrika, taasoo boqol qof oo dad ah ay mar hore u nafwaayeen biyo la'aan awgeed...Warkii Oo Dhan

Morocco: Dawlada Morocco Oo Shaaca Ka Qaaday In Gar-gaar U Dirayso Wadamadda Soomaaliya, Jabuuti Iyo Muritaaniya

Khamiis, 16, Feb, 2006

Morocco (Radio Gaalkcyo)- Dawlada Morocoo ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay gar-gaar udiri doonota wadamda Soomaaliya, jabuuti iyo Muritaaniya, oo ay sheegtay in ay xaalado xumi soo wajaheen sida uu qoray wargays ka soo baxa dalkaasi oo la yiraahdo MoroccoTimes...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: 20 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Deegaanka Yamaaruqley

Khamiis, 16, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay ilaa 50 kalena waa ku dhaawacantay dagaal beeleed kharaar oo shalay ka dhacay deegaanka Yamaarugley oo ka tirsan degmada Gallaadi ee gobolka Wardheer ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya...Warkii Oo Dhan

Baydhabo : Wafdi Ka Socda Hay'adaha Qaramada Midoobey Oo Maanta Booqday Baydhabo

Khamiis, 16, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Wafdi ka socda Hay'adaha QM ayaa maanta booqasho saacado qaadatay ku yimid magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ee la qorsheynayo inuu dhawaan ka dhaco kulanka kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee mudanayaasha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya...Warkii Oo Dhan

Faallo: Caado Laga tagay Carro Alleey leedahay

Arbaco, 15, Feb, 2006

USA (4somaliwomen.com)- Dad badan oo Soomali ah baa xusay shalay Valentines day, iyagoo u fahamsan in ay tahay maalintii jacaylka. Walaalayaal akhriya taariikhda runta ah ee maalintaas!..Faaladda Oo Dhan

Gaalkacyo: Xuseen Jaamac Yabaq Oo Dib Loogu Doortay Duqa Degmada Gaalkacyo

Arbaco, 15, Feb, 2006

Gaalkacyo(Radio Gaalkacyo)-Xaflad ballaaran oo ka dhacday Hotel Taar ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu soo bandhigay xubnaha golaha deegaanka ee matalaya shacabka magaalada Gaalkacyo...Warkii Oo Dhan

Jowhar: Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyey

Arbaco, 15, Feb, 2006

Jowhar(Radio Gaalkacyo)- Madaxwaynaha Soomaaliya Md: C/laahi Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Raysul Wasaaraha DFKMG Ah Ee Soomaaliya Prof: Geedi Oo U Duulay Jowhar

Arbaco, 15, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka duulay garoonka dayuuradaha ee magaalada Gaalkacyo, ayagoo ku sii jeeda magaalada Jowhar ee xaranta ku meel gaarka ah ee dawlada...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Xarunta Lagu Qabanayo Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Shaaciyey

Talaado: 14, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Guddoomiyaha baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aaden ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay goobta uu ka dhacayo kulanka Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ku yeelanayo 26-ka Bishan magaalada Baydhabo...Warkii Oo Dhan

Kismaayo: Afar Qof Oo Aan Qabiil Loogu Dilay Magaalada Kismaayo Iyo Tiro Kale Oo Ku Dhaawacantay Falkaasi

Talaado 14, Feb, 2006

Kismaayo:(Radio Gaalkacyo)- Afar qof ayaa ku nafweyday sideed kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib markii ay maleeshiyo beeleed hubaysan tacshiirad saaka aroortii ooda uga qaadeen gaari marayey bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Madaxweynaha Puntland Oo Gaalkacyo Soo Gaaray

Talaado, 14, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane: Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka 7:30 Subaxnimo (AM) ka soo caga dhigtay garoonka dayuurada ee magaaladan Gaalkacyo...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Shaati Guduud Iyo Xaabsade Oo Baydhabo Si Wada Jir Ah Loogu Soo Dhaweeyey

Talaado, 14, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Beeraha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudan: Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) ayaa shalay galinkii danbe sidiiran loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay....Warkii Oo Dhan

Boosaaso: Madaxweynaha Puntland oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Isniin, 13, Feb, 2006

Boosaaso (Radio Gaalkacyo)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane: Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa galabta galingaabkii ka soo dagay gagidda dayuuradaha ee magaalada Boosaaso, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyey...Warkii Oo Dhan

 

Soomaaliya: Xubnaha Labada Gole Ee Dawlada Soomaaliya Oo Soo Dhaweeyey Wada Shaqeynta Ka Dhexbilaabatay Mas'uuliyiinta Sare Ee Dalka

Isniin, 13, Feb, 2006

Soomaaliya (Radio Gaalkacyo)- xubnaha labada gole ee DFKMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya ee ku sugan gudan dalka ayaa si weyn u soo dhaweeyey isku soo dhawaanshaha iyo wada shaqeynta sadexda mas'uul ee dalka ugu sareeyaa ka dhex bilaabatay iyo waliba dadaalada nabadeynta ah ee ay ka dhex bilaabeen bileehii dhawaanahaan colaadu ku dhex maraysay qaybo ka mid ah gobolka Mudug iyo gobolka Galgaduud...Warkii Oo Dhan

Baydhabo:Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Ah Ee Soomaaliya Oo Baydhabo Gaaray

Isniin, 13, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Guddoomiyaha baarlamaanka ku mel gaarka ah ee Soomaaliya Mudane: Shariif Xasan Shiikh Aaden iyo wafdi kooban uu hogaaminayey ayaa maanta duhurkii ka dagay gagda dayuuradaha ee magaalada Baydhabo...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Ah Ee Soomaaliya Oo Ka Ambobaxay Gaalkacyo

Isniin, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Guddoomiyaha Baarlamaanka ku meel gaar ah ee Soomaaliya Mudane: Shariif Xasan Shiikh Aaden oo afartii maalmood ee u danbeeyey ku sugnaa magaaladan Gaalkacyo oo kulamo kula lahaa Madaxweynaha DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya MD: Cabdullaahi Yuusuf Axmed...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: War Murtiyeed Wada Jir Oo Ay Soo Saareen Madaxda Qaranku

Isniin, 13, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Sadedxa mas'uul ee dawlada Soomaaliya ugu sareeya oo 10-kii ilaa iyo 13-ka feberaayo 2006-da oo ay kulamo uga socdeen hotel-ka Tar City ee magaaladan Gaalkacyo ayaa saaka waxay ka soo saareen kulamadoodii war murtiyeed ay ku midaysan yihiin...Akhri War Murtiyeedka

Gaalkacyo: Madaxda Qaranka Oo Kulan Wada Jir Ah Ku Qabtay Gaalkacyo

Isniin, 13, Feb, 2006

Gaalkacyo(Radio Gaalkacyo)-Hoolka shirarka ee Hotel Taar ee magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay kulan ballaaran oo ay si wada jir ah u qabteen madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed , Guddoomiyaha baarlamaanka , Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo rasyulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi....Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Daawo Sawiradda Bannaanbixii Ay ka Khudbeeyeen Madaxda Qaranku (RG Photo News)

Axad, 12, Feb, 2006

Gaalkacyo( Radido Gaalkacyo)- Waxaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta lagu ciyaaro ee C/llaahi Ciise Maxamuud oo ku yaala koonfurta magaalada Gaalkacyo bannaanbax aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen dadweynaha magaalada oo aan u kala harin labada dhinacba, halkaasoo ay madaxda qarankuna khudbado ka soo jeediyeen... Daawo Sawiradda

Gaalkacyo: Madaxweynaha Puntland Oo Gaalkacyo Imaanaya Talaada

Axad, 12, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Madaxweynaha dawlada goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane: Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) ayaa maalinta talaada ah ee inagu soo aaday la filayaa inuu soo gaaro magaaladan Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Madaxda Qaranka Oo Maanta Khudbado Ka Jeediyey Garoonka Cabdullaahi Ciise Ee Koonfurta Gaalkacyo

Axad, 12, Feb, 2006

Gaalkacyo(Radio Gaalkacyo)- Isu soo bax aysan u kala harin dadwaynaha magaalada Gaalkacyo ayaa saaka lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee C/laahi Ciise oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: "Bari Ayaa Shir Jaraa'id Looga Warbixinayaa Kulamada Madaxda DFKMG Ay Ku Leedahay Gaalkacyo" Wasiirka Warfaafinta Puntland

Sabti, 11, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Wasiirka warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee maamul goboleedka Puntland Mudane: Yaasiin C/lle Geesood ayaa maanta warfidiyeenada u sheegay in ay dawlada Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ay maalinta Axada ah ee bari ku beegay shir jaraa'id ku faahfaahin doonaan kulama ay ku leeyihiin magaaladan Gaalkacyo iyo wixii ka soo baxayba....Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Wasiirada Ka Soo Jeeda Beelaha Sacad Iyo Saleebaan Oo Ka Wada Hadlay Nabadeynta Beelahaasi

Sabti, 11, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Waxaa maanta lagu qabtay holeelka Taar City ee magaaladan Gaalkacyo kulan nabadeed oo looga wada hadlayey sidii loo dhexhdexaadin lahaa beelaha Sacad iyo Saleebaan oo mudo sanad ku dhawaad ah colaad ka dhex aloosnayd... Warkii Oo Dhan

Bacaadweyn: Madaxda Dawlada Soomaaliya Oo Maanta Qado Sharaf Lagu Casumay

Sabti, 11, Feb, 2006

Bacaadweyn (Radio Gaalkacyo)- Munaasabada qado sharaf ah ayaa maanta loogu sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Rasyul wasaare Geedi, iyo Shariif Xasan Sh Aaden beer ku taala deegaanka Roox oo ka tirsan beesha Bacaadweyne ee degmada Gaalkacyo...Warkii Oo Dhan

Mugadishu: Xildhibaanada Ku Sugan Banaadir Oo Maanta La Siiyey Kharashkii Ay Ku Tagi Lahaayeen Madashada Kulanka

Sabti, 11, Feb, 2006

Muqdisho(Radio Gaalkacyo)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto diyaar garoow ballaaran oo xubnaha baarlamaanku ugu diyaar garoobi lahaayeen inay tagaan magaalada Baydhabo...Warkii OO Dhan

Boosaaso: Booliska Gobolka Bari Oo Xabsiga U Taxaabay 30 Dhalinyaro Ah

Sabti, 11, Feb, 2006

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)- Booliska gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay 30 dhalinyaro ah oo Boolisku ku eedeeyeen in ay khal khal ku yihiin amaanka gobolka...Warkii Oo Dhan

Aqoon Iswaydaarsi Looga Hadlayo Nabada Oo Ka Furmay Gaalkacyo

Sabti, 11, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Waxaa maanta ka furmay naadiga dhaqanka ee gobolka Mudug aqoon is waydaarsi ay soo qaban qaabisay hay'adda cilmi baarista Puntland ee PDRC , waxaana kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada , sida nabaddoonnada , culimada , haweenka iyo aqoonyahannada gobolka Mudug...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Xarunta Horumarinta Cilmi Baarista Puntland(PDRC) Oo Laan Ka Furtay Gaalkacyo

Sabti, 11, Feb, 2006

Gaalkacyo(Radio Gaalkacyo)-Xarunta horumarinta iyo cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa 9/102/06 xafiis cusub ka furay magaalada Gaalkacyo xafiiskaasi oo loogu magacdaray HOYGA NABADDA EE GOBOLKA MUDUG...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Sadexda Mas'uul Ee Dawlada U Sareyso Oo Kulamo Albaabadu U Xiranyihiin Leh

Jimce, 10, Feb, 2006

Gaalkacyo(Radio Gaalkacyo)- Madaxwaynaha Somaaliya Md: C/laahi Yuusuf Axmed , guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo raysulwasaare Geeddi oo ay weheliyaan xubno 30 kor udhaafaya oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa shir uga socdaa Hotel Taar oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Si Weyn Loo Soo Dhaweeyey

Jimce, 10, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG ah ee Jmahuuriyada Soomaaliya Mudane: Shariif Xasan Sh. Aaden iyo wafdi balaaran oo uu hogaamaniyo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaarada ee magaaladan Gaalkacyo...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Shariif Xasan Oo Sheegay In Jimcaha Gaalkacyo Tagayo

Khamiis, 09, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Afhayeenka baarlamaanka KMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane: Shariif Xasan Shiikh Aaden ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu Gaalkacyo imaanayo maalinta bari ah, isagoo ay la socdaan xubno ka tirsan golihiisa wakiilada...Warkii Oo Dhan

Bacaadweyn: Aas Qaran Oo Ka Dhacay Deegaanka Roox

Khamiis, 09, Feb, 2006

Bacaadweyn (Radio Gaalkacyo)- Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey deegaanka Roox oo ka tirsan beesha Bacaadweyn ee degmada Gaalkacyo Cabdirisaaq Sh Nuur oo ka mid ahaa culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo shalay ku geeriyooday wadanka Denmark...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Wafdigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Dib U Dhacay.

Khamiis, 09, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Guddoomiyaha gobolka Mudug Sh. Daahir Jaamac Nuur ayaa maanta warqad qoraal ah oo ka soo saaray xafiiskiisa ku sheegay in uu dib u dhac ku yimid safarkii uu guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ku imaan lahaa magaalada Gaalkacyo...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Yimid

Khamiis, 09, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Waxaa xalay ku soo biiray wafdiyada kala duwan ee ku sugan magaaladan Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug wafdi balaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland: Mudane: Cismaan Dalmar Yuusuf (Batrool)...Warkii Oo Dhan

Boosaaso: Guddiga Dabagalka Dhaqaalaha Puntland Oo Booqday Garoonka Dayuuradaha

Arbaco, 08, Feb, 2006

Boosaaso(Radio Gaalkacyo)- Guddi ay dhawaan baarlamaanka dawlad goboleedka Puntland iska dhex magacawdeen oo loo xilsaaray dabagalka dhaqaalaha Puntland ayaa maanta tagay garoonka diyaaradaha Boosaaso , halkaasi oo ay ku qaabileen masuuliyiin uu kamid yahay wasiir kuxigeenka hawlaha guud iyo gaadiidka Yaasiin Cartan , iyo maareeyaha Madaarka Boosaaso C/majiid Samatar Jaafaan ....Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Afhayeenka DFKMG Ah Oo Ka Warbxiiyey Safarkooda

Arbaco, 08, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Afhayeenka DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane: C/raxmaan Diinaari oo maanta la socday wafdigii Raysul Wasaaraha Soomaaliya ee yimid Gaalkacyo ayaa sheegay in ay u jeedada Socdaalka wafdigani ay tahay tilaabadii ugu danbeysay ee dib u heshiisiinta mas'uuliyiinta sar sare ee DFKMG ah...Warkii oo Dan

Gaalkacyo:" Mudaharaad Diimeed Iyo Mid Siyaadadeed Midna Laguma Qaban Karo Gobolka.. Xitaa Mid Lagu Taageerayo Dawlada"Madaxweyne Xigeenka Puntlnad.

Arbaco, 08, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane: Xasan Daahir Maxamuud (Af-qurac) ayaa maanta ku amray maamulka gobolka Mudug in aan mudaharaad diimeed iyo mid siyaasadeed lagu qaban karin gobolka Mudug, xitaa haddii dawlada lagu taageerayo...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Geedi Oo La Soo Dhaweeyey

Arbaco, 08, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo )- Raysul wasaaraha DFKMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane: Cali Maxamed Geedi iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo maanta ka soo dagay garoonka dayuuradaha ee magaaladan Gaalkacyo ayaa sidiiran loogu soo dhaweeeyey...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Dhex-dhexaadinta Beelaha Sacad Iyo Saleebaan

Talaado, 07, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Waxaa maanta lagu qabtay Hoolka shirarka ee Hotelka Taar City ee ku yaala duleedka magaaladan Gaalkacyo kulan nabadeed lagu dhex-dhexaadinayey beelaha Sacad iyo Saleebaan oo uu soo qaban qaabiyey wasiirka Horumarinta Reer Miyiga ee DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane: Maxamuud Maxamed Guuleed (Gacmo-Dheere)...Warkii Oo Dhan

Baydhabo: Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Tagay

Talaado, 07, Feb, 2006

Baydhabo(Radio Gaalkacyo)- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markiisii ugu horaysay gaaray magaalada Baydhabo tan iyo intii la dhisay dawladda Soomaaliya.Warkii Oo Dhan

Jowhar: Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Sababey

Talaado, 07, Feb, 2006

Jowhar (Radio Gaalkacyo)- hal qof ayaa geeriyooday afar qofna waa ay ku dhaawacan tahay maanta magaalada Jowhar ee xarunta ku meelgaark ah ee DFKMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya ka dib markii ay ciidan booliska gobolkaasi tacshiirad is waydaarsadeen...Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Wafdigii Geedi Iyo Shariif Xasan Oo Arbacada U Dib Dhacay

Isniin, 06, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Wararka ka soo baxaya maamulka gobolka Mudug ayaa sheegaya in wafdigii ay hogaaminayeen Raysul Wasaaraha DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliy Prof: Cali Maxamed Geedi iyo Afhayeenka Baarlamaanka.. Warkii Oo Dhan 

Gaalkacyo: Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Yimid

Isniin, 06, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkayo)- Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane: Xasan Daahir Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Gaalkacyo. Warkii Oo Dhan

Baydhabo : Shiikh Aaden Madoobe Oo Yimid

Isniin, 06, Feb, 2006

Baydhabo (Radio Gaalkacyo)- Sh Aadan madoobe iyo xubno ka tirsan mudanayaasha Baarlalmaanka Soomaaliya oo kasoo duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Warkoo Dhan

Baardheere: Xaalada Abaaraha Gobolka Oo Laga dayrinayo

Isniin, 06, Feb, 2006

Baardheere (Radio Gaalkacyo)- wararka kasoo baxaya magaalada Baardheere oo ka tirsan Gobolka Geddo ayaa sheegaya in xaalada Abaaraha Gobolkaasi ay haatan marayso meeshii ugu xumayd ayadoo dad badani goojo iyo Oon ugu dhinteen deegaanka laxiriira Gobolkaasi.Warkii Oo Dhan

Gaalkacyo: Geedi iyo Shariifka Oo Imaanaya Talaada

Isniin, 06, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Wafdiyo balaaran oo ka socda dawlada FKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa bari la filayaa in ay soo gaaraan magaaladan Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.Warkii Oo Dhan

Wararkii Ugu Danbeeyey Iyo Xaalada Boosaaso  Oo Dagan

Isniin, 06, Feb, 2006

Wararkii ugu dabeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso  ayaa sheegaya in xaalada Boosaaso ay caadi ku soo laabatay  kadib saacdo mudaharaad rabshado watyaty ay halkaasi ka socdeen.Warkii Oo Dhan

(War Deg-deg Ah) Banaanbaxii Boosaaso Oo Isku Badelay Rabshado Khasaare Gaystay

Isniin, 06, Feb, 2006

 

 Boosaaso (Radio Gaalkacyo) Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta banaanbaxyadii halkaasi ka dhacay uu isku badaleen rabshado sababay khasaare iskugu jira dhaawac iyo maal...Warkii Oo Dhan

Banaanbaxyada Looga Soo Horjeedo Aflagaaddii Loo Gaystay Islaamka Oo Ka Socda Puntland

Isniin, 06, Feb, 2006

Puntland (Radio Gaalkacyo)- Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa maalintii afraad waxaa ka socda mudaharaadyo ay kumaan qof ka qayb qaadanayaan ayagoo ka caraysan aflagaadaddii ay saxaafada wadanka Denmark u gaysatay Rasuulkeena Suuban NNKH. Warkii Oo Dhan

Shacabka Baladweyn Oo Ka Mudaharaad Aflagaadii Rasuulka Loogaystay NNKH

 Axad, 05, Feb, 2006

Baladweyn (Radio Gaalkacyo)- Boqolaal  dad ah oo ku nool magaalada baladwayn ayaa waxa ay isugu soo baxeen wadooyinka waawayn ee magaalada baladwayn iyagoo ka caraysnaa sawiradii ay dhowaan soo bandhigtay jariirad ka soo wadankaasi denmark kuwaasoo lagu muujinayay sawirada nabigeenna suuban (CSW).Warkii Oo Dhan

Ra`Iisul Wasaare Geedi Oo Taageeray In Baarlamaanka Somalia Ay Ku Kulmaan Magaalada Baydhabo

Axad, 05, Feb, 2006

Jowhar ( Radio Gaalkacyo)- Ra`iisul wasaaraha DFKG Somalia Proff. Cali maxamed Geddi ayaa kulan uu la qaatay xubnaha baarlamaanka ee DFKG Somalia ee ku sugan magaalada jawhar ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in uu taageerayo in magaalada Baydhabo ay baaralmaanka Somalia ku kulmaan.Warkii Oo Dhan

Kulan Lagu Xalinayo Khilaafka U Dhexeeya Siyaasiyiinta Digil Iyo Mirifle Oo Ka Dhacay Waajid

Axad, 05, Feb, 2006

Waajid(Radio Gaalkacyo)- Magaalada Waajid ee gobolka Bakool waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta dawladda Federaalka qaybtooda kusugan gobolka Bakool , kulankaasina ay ujeedadiisu ahayd in la bilaabo qorshe ay isku soo hor fariistaan xubnaha dawladda ku jira ee siyaasadda isaga soo hor jeedi jiray si kulanka baarlamaanka ee Baydhabo uu u bilowdo ayadoo aysan jirin cuqdad ka dhexaysa xubnaha dawladda. Warkii Oo Dhan

Wafdi Ka Socda Midawga Afrika Oo Galabta Ka Soo Dagay Gaalkacyo

Sabti, 04, Feb, 2006

  Gaalkacyo (Radio Galkacyo)- Wafdi ka socda midawga Afrika ayaa galabta ka soo dagay garoonka dayuurada ee magaaladan Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.Warkoo Dhan

Xubnaha Dawlada Soomaaliya Ee Ku Sugan Gobolka Mudug Oo Maanta Ka Hadlay Amaanka Guud Ee Dalka

Sabti, 04, Feb, 06

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku qabtay Hotel-ka Taar City ee magaaladan Gaalkacyo kulan balaaran oo looga hadlayey nabadgelyo la'aanta ka taagan meelo ka mid ah dalka Soomaaliya.Warkoo Dhan

Geedi Oo Ka Dagay Jowhar Ayadoo Laga Sugayey Gaalkacyo

Sabti, 04, Feb, 2006

Jowhar (Radio Gaalkacyo)- Raysulwasaaraha DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geeddi oo ay waheliyaan wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ah C/risaaq Jurile iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe Maxamed Dheere ayaa ka dagay garoonka dayuuradaha ee magaalada Jowhar. Warkoo Dhan

Jaalliyad Gobolka Mudug Ee Wadanka Denmark Oo Qalab Waxbarasho Iyo Caafimaad Ugu Deeqay Gobolka Mudug

Jimce, 03, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo)- Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Denmark ayaa waxay maanta soo gaarsiisay magaaladan Gaalkacyo qalab macaawino ah oo iskugu jira agab waxbarasho iyo mid caafimaadka.Warkoo Dhan  Guji Halkan

Agaasimaha Radiogaalkacyo oo u mahadceliyay  Ogle Media

Jimce, 03, Feb, 2006

(Radiogalkacyo.com)Agaasimaha radiogaalkacyo ayaa  maanta waxaa uu xafiiskiisa ka soo saaray qoraal uu ugu magacdaray Mahadcelin,agaasimaha ayaa waxaa qoraalkiisa uu ku xusay mahadcelin uu ujeediyay shaqsiyaadkii Webkaan Cusub Radiogalkacyo u sahlay inay ku  baahiso wararka iyo dhacdooyinka kala duwan ee aduunka. Warkoo dhan Guji Halkan

Golaha Xukuumada Puntland Oo Maanta Kulankooda Khamiislahaa Uuga Hadlay Abaaraha G. Gedo

Khamiis, 02, Feb, 2006

  Garoowe(Radiogaalkacyo.com)- Golaha xukuumada maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta kulankoodii khamiis lahaa uuga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin abaaraha ka taagan G. Gedo iyo sidii ay gacan uuga gaysan karaan wax ka qabashada arintaasi.

MadaxweyneYusuf Oo Maanta lagu Soo Dhaweeyey Gaalkacyo

Khamiis, 02, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radiogaalkacyo.com)- Madaxweynaha Jumhuuriyada FKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo asagoo kasoo duulay magaalada Jabuuti ee caasumada dalka Jabuuti.

Xaflad Sagootin Ah Oo Xalay Ka Dhacday Gaalkayo

Khamiis, 02, Feb, 2006

Gaalkacyo (Radiogaalkacyo.com)- Koox Sahmiyeyaal ah oo u dhashay dalka Talyaaniga oo muddo laba todobaad ah kusugnaa magaalada Gaalkacyo, shaqona u joogayu ayaa si rasmi ah usoo gabo gabeeyay hawshii ay wadeen oo kusaabsnayd  Sahminta Hawada iyo sida uu ay shaqaynayaan hirarka Hawada .

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Soo Aadan Gaalkacyo

Khamiis, 02, February, 2006

        DJabouti (Radiogaalkacyo)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane: C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda ka soo dago garoonka dayuuraha ee magaaladan Gaalkacyo, isagoo ka soo duulaya magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Jabuuti Gaaray

Arbaco, 01, Feb, 2006

    DJabouti (Radiogaalkacyo.com)- Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo maanta gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti.

 

Wafdi Ka Socday QM, Midowga Afrika, IGAD Iyo Jaamacada Carabta Oo Maanta Yimid Jowhar

Arbaco, 01, Feb, 2006

    Jowhar (Radiogaalkacyo.com)- Wafdi balaaran oo ka socday QM, AU, IGAD Iyo Jaamacadda carabta ayaa maanka ka soo dagay garoonka dayuurada ee magaalada Jowhar ee ah xarunta ku meel gaarka ah ee DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Safar Ku Maraya Wadamada Itoobiya Iyo Jabuuti

Arbaco, 01, Feb, 2006

Adis-ababa (Radiogaalkacyo.com)- Madaxweynaha DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane: Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka aroornimadii ka dagay magaalada adis ababa ee xarunta dalka Ethiopia

Dagaalk Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Socda Muqdisho

Arbaco 01, Feb, 2005

Muqdisho(Radiogaalkacyo.Com)- Sagaal qof ayaa dhimatay tiro kalena waa ay dhaawacantay ka dib markii saaka uu gaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday uu ka bilowday degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho

Xildhibaanada Ku Sugan Muqdisho Oo Soo Dhaweeyey Kulanka Baarlamaanka Ee Baydhabo

 Talaado, 31, January, 2006

Muqdisho (Radiogaalkacyo.com):Xubnaha labada Golle ee magaalada Muqdisho ayaa shir ay Maanta ku yeesheen Hotelka Saxafi waxa ay soo dhaweeyeen Go,aankkii Guddoomiha Baarlamaanka ee ahaa in Barlamaanku ku shiro Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

QM Oo Shaaca Ka Qaaday In ay Bixinayaan Kharashka Ku Baxaya Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

 Talaado, 31, January, 2006

Nairobi (Radiogaalkacyo.com): Uqaybsanaha Arimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Mr;Fall ayaa Maanta sheegay inay Qaramada Middoobay ay diyaar latahay dhamaanba kharashka ku baxaya Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee shalay lagu dhawaaqay inuu ka dhaco magaalada Baydhabo.

Raysul Wasaare Geedi Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Go'aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Talaado, 31, January, 2006

Jowhar(Radiogaalkacyo.com): Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta soo saaray war cad oo ku saabsan fikraddiisa ku aaddan shirka baarlamaanka ee lagu dhawaaqay , wuxuna sheegay fikirkaasi uu yahay mid guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uusan kala tashan madaxwaynaha iyo asaga.

Bannaabax Lagu Taageerayo Go'aanka Shariif Xasan Oo Ka Dhacay Baydhabo

Talaado, 31, January, 2006

Baydhabo (Radiogaalkacyo.com):  Bannaan bax ballaaran oo ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo ayaa maanta ka dhacay magaaladaasi kaasoo ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan in kal fadhiga baarlamaanka uu ka dhaco magaalada Baydhabo.

Shandal Oo Ka Mid Ah Wadamada Awooda Qayaxan Oo Aadey Iiraan

Talaado, 31, January, 2006

New York (Radiogaalkacyo.com):  Shanta dal ee Awooda qayaxan ama VITO power ku leh Golaha amaanka ayaa markii ugu horeysay isku raacay qoraal Dalka Iran loogu gudbinayo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

 
CContact: webmaster@radiogaalkacyo.com. Copyright 2006 All Rights Reserved